Saxilnews.com
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Oo Mar Kale Shaaciyay In Ay Gabi Ahaanba Burbureen Wada Hadaladii Nabada Ee Afganistaan
September 10, 2019 - Written by Maxmed gamuute

Berbera (saxilnews.com): Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay wadahadaladdii nabadda ee Afgaanistaan ee la doonayay in lagu dhameeyo dagaalka socday 18ka sano ay dhinteen.

“Sida aan ka walaacsanahayba, waa ay dhinteen,” ayuu u sheegay warbaahinta oo uu kula hadlay Aqalka Cad.

Sabtigii ayaa Trump waxaa uu baajiyay qorshe uu kula kulmi lahaa ergo ka tirsan Taalibaan kadib markii ay kooxdu qirteen in ay dileen Askari Mareykan ah.

Labadda dhinac ayaa waxaa ay u muuqdeen in ay isu soo dhawaaadeen in ay heshiis gaaraan , Ururka Taalibaanna waxaa uu sheegay in Mareykanku uu ku khasaarayo wadahadaladda baaqday.

Madaxweynaha Mareykanku waxaa uu sheegay in ciidanka dalkiisu kala soo baxayo Afganistaan ay tahay Siyaasaad Dibaddda ah oo muhiim ah, balse mar la weydiiyay 14,ooo in ay weli Afganistaan sii joogaan waxaaa uu ku jawaabay in ay kasoo baxayaan waqtiga ku haboon.

Bur-burka wadahaladda ayaa nijad jab ku ah Shacabka Afgaanistaan oo waxyeeladda ugu badan ay kasoo gaarto dagaaladda dhinacyadda hubeeysan u dhexeeya, waxaana mugdi galay rajadii ahayd in lasoo afjaro 18 sano oo colaad ah.

Weriye: Gamuute Cumarkujoog

COMMENTS
Latest News