Saxilnews.com
Madaxweynaha JSL, Oo Ka Qaybgalay Ciyaarta Kama Dambaysta Ah Ee Koobka Gobollada Somaliland Oo Dhexmartay Xulalka Awdal Iyo Saaxil
November 12, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (Saxilnews)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu gallabta ka qaybgalay daawashada ciyaartii kama dambaysta ahayd ee koobka xiisaha badan ee gobollada dalka Somaliland. Ciyaartaas oo ahayd mid xamaasad gaara leh labada kooxoodna ay soo bandhigeen ciyaar aad u qurux badan oo dadkii daawanayey la dhaceen hannaanka ay u wada ciyaareen

labadaa xul, ayaa qaybtii horreba waxa laba gool dhalisay xulka gobolka Awdal, markiii laga soo laabtay qaybta nasashada ee haafkii hore layskuna soo noqday garroonka waxa gool la timid gobolka saaxil, inkasta oo gool ku laad ciyaarta dhexdeeda loo dhigay ay lumiyeen xulka gobolka saaxil, waxay ciyaartii noqotay gari laba nin kama wada qoslisee waxa koobkii la carraabay guushuna raacday Xulkii ku ciyaaryay Gobolka Awdal

Markii Ciyaartu dhamaatayna Madaxweynuhu waxa uu abaal marino kala duwan guddoonsiiyey ciyaar yahanadii ugu wanaagsanaa tartanku intii uu socday, iyo koobabkii kala duwanaa ee isugu jiray Orodada, Baaskidka oo iyana uu Madaxweynuhu halkaasi ku guddoonsiiyey xulalkii ku guulaystay, sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu shahaado sharaf guddoonsiiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyada, Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeyo guutto Cabdilaahi Fadal Iimaan, Wasaaradad Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigelinta.

Ugu dambayntiina waxa madaxweynuhu uu bixiyey Koobkii Qiimaha gaarka ah lahaa ee loo tartamayey ee ay ku guulaysteen Xulka Gobolka Awdal, waxaana sidaasi ku soo xidhmay tartankii koobka gobollada Somaliland.

Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, oo warbaahinta la hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyey gabagabada tartanka ciyaaraha gobollada dalka waxaanu yidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, iyo xubno wasiiro ah oo aan ka mid ahay ayaa gallabta garroonka Hargeysa Stadium kaga qayb galay gunnaanadka tartanka ciyaaraha gobollada.

“Tartanka ciyaaraha gobollada Jamhuuriyadda Somaliland,  Xukuumad ahaan waxaanu saarnay xoog sidii ay u qabsoomi lahaayeen, waxaanu uga gol lahayn in aanu beerno jidh caafimaad qaba, in aanu dhiiri galino is dhexgalka, iyo isbarashada ciyaartoyga da’yarta ah, in ciyaartoyga iyo dhalinyarada guud ahaan laga mashquuliyo balwadaha, tahriibka iyo wixii la mida ah. “

Mudane Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalen hambalyey wasaarada Ciyaaraha waxaanu yidhi “Ciyaaraha maalinba cidbaa badisa, kubadduna waa bar madow iyo bar cad, waxaan leeyahay Hambalyo Qaranka Somaliland oo dhan sida ciyaaraha gobolladu inoogu qabsoomeen, oo runtii aad iyo aad ugu duwanaa qaabkii hore.  Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada Jamhuuriyadda Somaliland guud ahaan waan u hambalyeynayaa, gaar ahaana waxaan u hambalyeynayaa ciyaartoygii ka soo qayb galay tartankan, kuwii wareegii koowaad ku hadhay iyo  kuwii wareega labaad u soo gudbayba”.

Wasiirka Madaxtooyadda ayaa sidoo kale hambalyo u diray kooxaha xulalka gobolka Awdal iyo  gobolka Saaxil waxaanu yidhi “Waxaan hambalyo weyn u jeedinayaa xulka gobolka Awdal iyo xulka gobolka Saaxil oo maanta ciyaartii kama dambaysta ahayd ku kulmay, waxaan leeyahay xulka gobolka Awdal hambalyo, koobka ay qaadeen, aad ayaan ugu hambalyeynayaa ugu bogaadinayaa,

waxay soo bandhigeen dadaal faro badan.  Dhinaca kale xulka gobolka Saaxil  iyagana waxaan ku bogaadinayaa oo ay soo bandhigeen ciyaar aad u fiican oo farshaxan-nimo leh sidoo kalena waxaan ku hambalyeynayaa koobkii ay xalay qaadeen ee kubadda kolayga,

waxaan leeyahay qoloba hal koob ayey la carowday, markaa guul weyn weeye, waxaan rajaynayaa inay halkaas inooga sii socdaan, sanad walba aynu wax korodhsano, qabashada tartanka ciyaaraha Gobolladu qaran ahaana waa guul inoo soo hoyatay.”

COMMENTS
Latest News