Saxilnews.com
MADAXWEYNAHA DJABOUTI OO KA HADLAY XADKA SOMALILAND DALKIISA U DHAXEEYA OO XIDHAN
February 25, 2015 - Written by admin

Hargaysa (Saxil News.com)-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djabouti Md. Ismaaciil Cumar Geele ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xadka labada wadan ee Somaliland iyo Djabouti u dhaxeeya oo dhawrkii maalmoood ee la soo dhaafay xidhan.


Mar la waydiiyay bal in la hakiyay isu socodka labada dadyoow ee Somalilland iyo Djabouti ayaa waxa uu yidhi “Lama Hakin ee waa in hagaag loo baadho oo wax ay isla og yihiin dadkeena iyo reer Somaliland” ayuu yidhi.
“Xidhisi ma jirto ee Kaantarool  baa jira” ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djabouti Ismaaciil Cumar Geele.

Sidoo kale waxa la waydiiyay bal arrintani waxa ay salka ku hayso waxaanu yidhi “Waa waxaa uun dee

Digniinta iyo waxaas laakiin wax kale oo jiraa ma jiraan” ayuu yidhi.

Madaxweynaha Jabouti ayaa sidaasi ku sheegay waraysi dheer oo uu siiyay VOA-da waxaanu todobaadkan ka soo laabtay dalka Somalia oo uu booqasho ku tagay.

 

berbera2002@gmail.com

COMMENTS
Latest News