Madaxweynaha Congo oo mar sedaxaad is sharaxaya

0
35

Madaxweynaha Congo oo mar sedaxaad is sharaxaya

 

 

 
Mucaaradka waxa ay ka soo horjeedaan in madaxweynaha uu markale isasoo sharaxo.

Madaxweynaha dalka Congo Brazzaville, Denis Sassaou Nguesso, waxa uu ku dhawaaqay in afti ku saabsan isbedelka ay dalkaasi ka dhici doonto.

Waxa uu raadinayaa in mar sedaxaad uu isu sharaxo xilka madaxweynaha, oo uu ka qeybgalo doorashada sanadka soo socda.

Mr Sassou Nguesso ayaa dalkaasi Congo hogaamiya ka ahaa in kabadan 30 sano, asigoo laba jeer oo kala duwan xafiiska dalkaasi qabtay, laakiin waxaa hadda hor taagan dastuurka xilligan ee dalkaasi oo aan u ogolaaneyn inuu isasoo sharaxo.

Isbuucyadii la soo dhaafay madaxweynaha waxa uu shaqada ka ceyriyay wasiirada qorshihiisa diidan.

Isbeheysi ay ku mideysan yihiin mucaaradka iyo ururada bulshada rayidka ah ee Brazzaville, waxa ay kol hore ku sharexeen in qorsha kastoo ka hor imaanaya dastuurka uu yahay mid aan sharci ahayn.

Tiro ka mid ah hogaamiyayaasha Afrika waxa ay la kulmeen kacdoon kaddib markii ay isku deyeen inay waqtiga krdhistaan ama mar aan loo ogoleyn inay is sharaxaan.

 

 

berbera2002@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here