Saxilnews.com
Madaxwayne Siilaanyo oo shaqaalaha ku sifeeyay Cuduuda iyo xooga Somaliland
May 1, 2016 - Written by cali abdilaahi
Madaxwaynuhu wuxuu hambalyo u diray shaqaalaha aduunka Xuska maalinta shaqaalaha awgeed
Hargeysa (Saxilnews.com)-Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Siilaanyo, wuxu hambalyo iyo boogaadin u dirayaa shaqalaha Aduunka, gaar ahaan shaqaale waynaha Somaliland, munaasibada 01-May, Maalinta shaqaalaha adduunka awgeed.
Madaxweynuhu wuxuu shaqaalaha ku sifeeyey cududda iyo xoogga wax soo saarka iyo horumarinta qaranka, la’aantoodna aanu jiraynin himilo wanaagsan oo ummaddu hiigsataa.
Madaxweynuhu wuxu tilmaamay inuu qarankani ilaalinayo xuquuqda shaqaalaha dawladda iyo kuwa gaarka ahba, iyadoo sanadba sanadka ka danbeeya shaqaalaha dalkeenu uu kordhayo tiro iyo tayo ahaanba, lana sii wadidoono, laguna dedaalidoono sidii loo sii hagaajin lahaa xirfadooda iyo aqoontooda, si kor loogu qaado noloshooda, loona dhawro xuquuqdooda.
Madaxweynuhu waxa uu shaqaale waynaha Somaliland rag iyo dumarba u rajeeyey inay xuskan xuskiisa ku gaadhaan, bash-bash iyo barwaaqo, isagoo ku booriyey inay halkaa ka sii wadaan waajibaadka ay ugu xilsaaran yihiin dalkooda iyo dalkooda oo ah shaqada ay u hayaan ummadooda.

COMMENTS
Latest News