warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in mudadii uu madaxwaynuhu ku maqnaa dalka ingiriiska uu sameeyay shax cusub oo xisbiga KULMIYE ku gali karo ololaha doorashada .
Waxaana xoguhu sheegeen in wasiirada la filayo inay seeftu la tagto ay kamid yihiin wasiirka maaliyada Samsam Cabdi Aadan,Wasiirka qorshaynta qaranka Cali Salaan Jirde (Cali Shoombe) wasiirka warfaafinta Cismaan Cabdilaahi Saxardiid “Cadaani” iyo wasiir ku xigeeno iyo agaasimayaal kuwaasi oo la doonayo in badalkooda la keeno siyaasiyiin ay isku deegaan yihiin.
Ilaa hadda lama karan karo xilliga rasmiga ah ee uu madaxwayne Siilaanyo isku shaandhaynta ku samaynayo golahiisa xukuumadda,waxaana bulshada somaliland aad u hadal haysa isku shaandhaynta iyo siyaasiyiinta ku jiri kara.