Hargeysa(Saxilnews):-Madaxwanaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa la filayaa in uu dhawaan isku shaandhanytii ugu dambaysay sanadka galbadey ee 2016 ka ku sameeyo xukumadiisa.
Ilo xog ogaal ah oo uu helaayo Warbaahinta Hangoolnews ayaa tibaaxaya in maalmaha kooban ee ka hadhsan dhamaadka bishan ay madaxtooyadu wado qorshe meesha lagaga saarayo qaar ka mid ah golaha wasirada ee haatan halka qaar kalena lagu samaynaayo isku bedel,waxanay wararku intaas ku darayaan in madaxwayne Siilaanyo uu markan seeftiisa dhadhankeeda tusi doono xubno ka mid ah Afarta Wasiir ee lama taabtaanka ka ah Isku bedelka iyo qil ka qaadista Xukumadiisa cimriga Gaaban u hadhsan yahay.
Xogtan uu Hangoolnews helay ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxwaynaha Somaliland uu wax ka bedel ku samayn doono Siyaasadiisa arimaha Dibada Somaliland taasi oo la micno ah in bedel lagu samaynaayo wasiirka arimaha dibada Somaliland ee haatan Dr Sacad Cali Shire oo xilkan ka hayay mudo sanad iyo laba bilood ah,
Booska Dr Sacad ayaana la filayaa in lagu bedelo Wasiirkii hore ee Xukumadii UDUB ee uu gadhwadenka ka ahaa Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin kaasi oo ah Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo mudooyinkii ugu dambeeyey ku sugnaa Magaalada Hargeysa kaasi oo sida xoguhu sheegayaan ay madaxwayne Siilaanyo dhawaan ku kulmeen Madaxtooyada inkasta oo aan la xaqiijin in uu madaxwaynuhu usoo bandhigay damaciisa ka mid noqoshada Xukumadiisa.
Wasiirkii Maaliyada ee isla Xukumadii UDUB Mr Cawil ayaa xogaha aanu helaynaa ay sheegayaan in uu qayb ka noqon doono iskau shaandhaynta balse lama xusin meesha iyo xilka loo magacaabayo,
Wasiirka kaluumaysiga iyo khayraadka Badda Mr Buureed ayaa isna la filayaa in loo bedelo wasiirka Wasaaradda xanaanada Xoolaha Somaliland iyada oo wasiirka haatan ee Wasaaraddaasi Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse loo wareejin doono Wasaaraddiisii hore ee laga soo bedeley ee Warfaafinta,
Halka Wasiirka Warfaafinta Cismaan Saxardiid Cadaani la filaayo in dhamaanba dibada laga dhigo Xukumada MAdaxwayne Siilaanyo
Wasiirka Beeraha Somaliland Dr Maxamed Aw Daahir ayaa waxa la filayaa in gabi ahaanba dibada laga dhigo Xukumada Madaxwayne Siilaanyo inkasta waxaana la filayaa in lagu bedelo wasiir hore uga tirsanaa Xukumadii UDUB oo lagu magacaabo Cismaan Xasan Mire oo haatan ka mid ah xisbiga Kulmiye.
Madaxwayne Siilaanyo ayaa sidoo kale la filayaa in uu xilka ka qaado wasiirka Warshadaha Somaliland kaasi oo bedelkiisa si rasmi ah looga wareejin doono wasaaraddaasi beesha Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyada oo loo magacaabi doono masuul ka soo jeeda Beelaha darafyada.
Wasiirada Macdanta,Ganacsiga iyo Maalgashiga,Duulista,Diinta iyo Awqafta, afhayeenka Madaxtooyada agaasimaha Guud ee Wasaaradda Biyaha iyo sidoo kale agaasimayaasha Wasaaradaha intooda badan ayaa la filayaa in saamayn balaadhan ay ku yeellan doonto isku shaan-dhaynta la filaayo in madaxwayne Siilaaanyo ku sameeyo maalmaha ugu dambeeya Sanadkan dhamaadka ah.
Haayadaha Madaxa banaan ayaan dhankooda ka maqnayn sida wararka aanu ku helnay kuwaasi oo ay ka mid yihiin Haayadah Xuquuql insaanka Qaranka Haayada Dhowrista tayada iyo sido kale Haayada Madaxa banaan ee abaabul ka saarka Qaranka.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland ayaa dhankiisa waxay xoguhu sheegayaan in loo magacaabi doono masuul ka soo jeeda Gobolka Awdal inkasta oo aan wali la shaacin magaciisa,
Waxaana dhinaca kale la filayaa in madaxwayne Siilaanyo uu soo buuxiyo Boosaskii ay hore u diideen xubno masuuliyiin ah oo uu hore u magacaabey oo ay ka mid yihiin badhasaabka Gobolka maroodi Jeex iyo xubno Wasiiru Dawle yaal ah.
Iyada oo la filaayo in xubno wajiyo ku cusub siyaasada xukumada Kulmiye lagu dhex arki doono isku shaan-dhayntan oo uu ugu horeeyo Wasiirkii hore ee Arimaha Dibada Xukumadii Daahir Rayaale C/laahi Maxamed Ducaale, iyo xubno ka mid ah garabkii Jamaal ee dhawaan shaaciyey in ay ku biireen xisbiga Kulmiye kuwaasi oo hore heshiiska loogu galay in ay xilal ka helaan Xukumada haatan ee xisbiga Kulmiye.
Isku-shaandhayntan ayaa la filayaa in ay noqoto mid ugu saamaynta badan Sanadkan iyada oo wax ka yar boqol Maalmood ay ka hadhsan yihiin maalintii loo asteeyey in ay guud ahaanba Somaliland ka dhacdo Doorashadii Madaxtinimo ee 2017 bisha sadexaad 28 da.
Souce:- HangoolNEws