Hargeysa(Saxilnews) Madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” iyo wadamada beesha caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ayaa si adag iskugu maandhaafsan kala qaadista labada doorasho ee madaxtooyada iyo golaha wakiilada Somaliland ooh ore layskugu raacay inay wada jir u qabsoomaan bisha March 2017,balse hadda la filayo in lakala qaado.
Warar an la xaqiijin ayaa tilmaamaya in madaxwayne Siilanyo golaha guurtida u gudbinaayo dhawaan soo jeedin uu ku dalbanayo in muddo laba sanadood ah loo kordhiyo golaha wakiiladda,taas oo macnaheedu tahay in dib loo dhigo doorashada wakiilada oo lakala qaado doorashada madaxtooyadda iyo doorashada wakiiladda .
Madaxwaynaha ayaa la tilmaamayaa inuu soo jeedintiisu ku salayn doono saami qaybsiga iyo xeerkii golaha wakiiladda lagu soo dooran lahaa oo aanay goluhu meel marin.
Haseyeeshee ilo xog ogaal ah ayaa geeska Africa u sheegay in dalalka taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ay madaxwayne Siilaanyo soo gaadhsiiyeen fariin nuxurkeedu yahay inaanay marnaba aqbali doonin In la kala qaado labada doorasho oo mar saddexaad muddo kordhin loo sameeyo golaha wakiiladda taas oo ay ku tilmaamayan dib u dhac halis galinaya geedi socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland.
Wararka uu geeska Africa helay waxay tilmaamayaan in dalalkan oo fadhigoodu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya qaadi doonaan talaabooyin ay kaga jawaabayaan hadii la kala qaado labada doorasho.
Si kasteba ha ahaatee hadii uu madaxwayne Siilaanyo go’aan ku gaadho in la kala qaado labada doorasho ee wakiiladda iyo madaxtooyada waxa beesha caalamka iyo Somaliland u bilaabmi doona Isfahan waa, waxaanay dadka xidhiidhka caalamiga ah falanqeeyaa tilmaamayaan suurtogalnimada dagaal diblomaasiyadeed oo ay beesha caalamku la beegsato xukuumadda madaxwayne Madaxwayne Siilaanyo.
Xigasho Geeska