Saxilnews.com
Madaxwaynaha SOMALILAND Oo Tacsi U Diray Wadaad Hargeysa Ku Geeriyooday
February 4, 2015 - Written by admin

Hargaysa (Saxilnews.com)-

Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Madaxweynaha Somaliland ayaa Tacsi u diray Wadaad ku geeriyooday Hargeysa.

Dhambaalka Tacsida Madaxwaynaha ayaa u dhignaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland guud ahaanba, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Sheekh Cumar Qawdhan Muxumed oo ku geeriyooday maanta 04/02/2015 magaalada hargeysa.

 Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay mujaahid miisaan culus ku dhex leh qaranka somaliland iyo shacbigaba, baal dahab ahna kaga jiray, una hibeeyey wakhtiyadii adkaa ee dalku ka soo gudbay maalkiisa iyo muruqiisaba, door muhiimana ku lahaa nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, sidoo kalena ka mid ahaa culimada waa weyn ee dalka.

M.Siilaanyo

waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

COMMENTS
Latest News