Saxilnews.com
Madaxwaynaha Somaliland Oo Ku Soo Laabtey Magaalada Hargeysa Ka Dib Safar Dheer Oo Uu Ugu Kuurgalayay Xaalada Abaareed Ee Gobolada Bariga Somaliland
November 28, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa(Saxilnews) Madaxwaynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaan yo oo safar gurmad ah ugu maqnaa dadka abaaruhu saameeyeen ee Gobolada Bariga Somaliland ayaa maanta ku so laabtay Magaalada Caasimada ah ee Hargeysa.

Madaxwaynaha oo hogaaminaayay wafti iskugu jira Wasiiro Hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye ayaa safarkiisa waxa uu ku tagay Gobolada Sool Sanaag Togdheer iyo Saaxil oo dhamaantood ka mid ah Gobolada ay sida ba,an uga jirto abaarta saamaysay dad iyo duunyoba,

Waxaana intii uu safarkaasi indho indhayta ah ku maqnaa waxa uu deeqo kala duwan oo iskugu jirta raashin iyo lacago cadaan ahba ku wareejiyey gudida abaaraha ee goboladaasi.

Halkan ka daawo

 

COMMENTS
Latest News