Saxilnews.com
Madaxwaynaha Somaliland Oo Caqab Siyaadeed Darteed La Filayo In Uu Lodon Kaga Baxo + Nasashadiisii Oo Buux Ka Hoos Dilaacay
February 24, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa(Saxilnews) madaxwaynaha somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa warar hoose oo ilaa xalayto hangoolnews uu helayay ay shaaca ka qaadayaan in uu soo gabagabaynayo socdaal uu ku tagay waddanka Enland.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Madaxwayahu ka cabsi qabo mudaharaad ay u balansan-yihiin jaaliyadda London in ay isugu soo baxaan safaaradda imaaraatka carabtu uu ku leeyahay magaaladaasi kaas oo ay kaga soo horjeedaan bixinta saldhiga milatari ee la siiyay imaaraatka carabta.

Waxaana maalmahii u dambaysay loo balansanaa in inta uu siilaanyo joogo waddankaasi la dhigo mudaharaadkan.

Madaxwayne Siilaanyo ayaa nasasho ahaan u tagay waddankaasi,

Buuqan iyo kacdoonkan siyaasadeed ee uu madaxwayne siilaanyo kala kulmay jaaliyadda ayaa laysku dayday in la qaboojiyo balse kuma guulaysan arrinkani gacanyarayaasha siilaanyo,

Waxaana la filayaa in uu dalka dib ugu soo laabto inta aan mudaharaadkan wakhtiga loo balansan yahay la gaadhin

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News