Madaxwaynaha Somaliland Ayaa Manta Xilal Cusub Magacaabay Sadex Masuul

0
32

WAR-SAXAAFADEED

 Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo

wuxuu maanta aas-aasay xafiiska  Diwaangelinta Sekada, isla markaasina wuxuu u magaabay saddex Masuul oo noqon doona, Guddoomiyaha Xafiiska Diiwaanka Sekada, Gudoomiye ku xigeen  iyo Agaasime guud.

 

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:                   Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Arkay:                   Qodobka 12aad, Faqradiisa 7aad ee Dastuurka

                                                Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Arkay:                   Qodobka 19aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Helay:                   Qoraalka Talada Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta;

 

Wuxuu  Go’aamiyey

 

Xeerkan oo lagu aasaasayo Xafiiska Diiwaanka Sekada ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Qodobka 1aad

Aasaasidda Xafiiska Diiwaanka Sekada

 

Waxa halkan lagu aasaasay Xafiiska Diiwaanka Sekada oo yeelanaya qofnimo qaanuuneed, shaambad u gaar ah iyo astaan, isla markaana hoos tegaya Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

 

Qodobka 2aad

Mas’uuliyadda Xafiiska Diiwaana Sekada

 

Xafiiska Diiwaanku wuxuu si toos ah uga mas’uul yahay in uu si wanaagsan u guto una maamulo xilkiisa iyada oo uu qaadayo talaabooyin lagu ilaalinayo sekada, isaga oo raacaya sharciga dalka.

 

Qodobka 3aad

Ujeeddooyinka Loo Aasaasay Xafiiska Diiwaanka Sekada

 

Ujeeddada Xafiiska loo aasaasay waa:

 

  1. Dhaqan-gelinta waajibka Sekada.
  2. Faafinta iyo ku wacyi-gelinta dadka ahmiyadda sekada.
  3. Guddoomidda, uruurinta, qaybinta iyo maamulka sekada si loo xaqiijiyo is-kafaalo qaadashada iyo isu-naxariisashada dadka dhexdooda

 

Qodobka 4aad

Xilka iyo Waajibaadka Xafiiska Diiwaanka Sekada

 

Xilka iyo Waajibaadka Xafiisku waa:

 

  1. Qaadashada iyo dejinta shuruudaha shaqaalaha sekada.
  2. Ka-guddoomidda  qofka bixinaya sekada qadarka sekada ee ku waajibtay.
  3. Aqbalaada qiraalka saka-bixiyaha.
  4. Dhigidda sekada Xisaabta Xafiiska ee Baanka Dhexe ee Somaliland.
  5. U qaybinta sekada qaybaha shareecada islaamku u xaddiday, iyada oo masaakiinta iyo dadka saboolka ah (foqorada) la siinayo wax ay kaga-maarmaan sekada.

 

Qodobka 5aad

Qaab-dhsimeedka Xafiiska Diiwaanka Sekada

 

Qaab-dhsimeedka Xafiisku wuxuu ka kooban-yahay:

 

  1. Guddida La-talinta
  2. Guddoomiye.
  3. Guddoomiye Ku-xigeen.
  4. Agaasimaha Guud.

 

Qodobka 6aad

                                        Guddida La-talinta

 

Guddidu waxay ka koob-naan doontaa:

 

  1. Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.
  2. Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
  3. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda.
  4. Laba xubnood oo Madaxweynuhu soo magacaabayo, oo noqon doona Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen.

 

               Qodobka 7aad

Xilka iyo Waajibaadka Guddida

 

Xilka iyo Waajibaadka Guddida waa ka talo-bixinta:

 

  1. Hagidda iyo maamulidda hawl-qabadka Xafiiska.
  2. Hubinta in hawlaha sekadu u fuleen si waafaqsan shareecada islaamka.
  3. Miisaaniyada xafiiska.
  4. Qorshaha fog iyo ka dhow ee xafiiska.
  5. Uruurinta iyo qaybinta sekada.
  6. Baahiyaha iyo arrimaha la soo gudboonaada xafiiska.
  7. Qorshaha shaqaale qorista ee Xafiiska Diiwaanka ee uu soo jeediyo Agaasimaha Xafiiska Diiwaanku.

 

 

 

Qodobka 8aad

Shuruudaha Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka

 

Guddoomiyaha ama Guddoomiye Ku-xigeenka Xafiisku waa in:

 

  1. Uu yahay Muwaadin reer Somaliland ah oo Muslim ah kuna dhaqma Diinta Islaamka, da’diisuna aanay  ka yarayn 35 sanno;
  2. Uu leeyahay khibrad maamul oo uu kaga soo shaqeeyey Hay’addaha Dawladda ama dhigooda, oo aan ka-yarayn 3 sanno.
  3. Aanuu kicin (musalifin) ama aanu caydhoobin.
  4. Shantii sanno ee u dambeysey Maxkamadi ku ridin xukun ciqaab ah.

 

Qodobka 9aad

Xilka iyo Waajibaadka Guddoomiyaha Xafiiska Diiwaanka

 

Guddoomiyaha Xafiisku wuxuu u xil-saaran-yahay:

 

  1. Go’aaminta qaybinta Maalka sekada.
  2. Kobcinta iyo isku-duwidda xidhiidhka uu la leeyahay Xafiisku laamaha kale ee Dawladda.
  3. Matelaada iyo ku hadalka magaca Xafiiska Diiwaanka Sekada.
  4. Saxeexidda qoraallada rasmiga ah ee Xafiiska.
  5. Magacaabista guddi-hoosaadyo, Isku-dubaridka iyo daba-galka hawlaha guddi-hoosaadyada.
  6. Furidda lambar xisaabeedka Xafiiska.
  7. Daba-galka iyo hubinta in hawlaha Xafiiska Diiwaanku  u fuleen si waafaqsan shareecada islaamka.

 

Qodobka 10aad

Awoodaha Guddoomiyaha Xafiiska Diiwaanka

 

Guddoomiyuhu si uu u gud-to xilkiisa wuxuu awood u leeyahay:

 

  1. Gelidda heshiisyada lagama-maarmaanka u ah xil gudashada Xafiiska.
  2. Go’aaminta qaybinta maalka sekada iyo sadaqooyinka si waafaqsan shareecada islaamka.
  3. Qaadista talaabooyinka lagu horumarinayo maamulka, soo ururinta iyo qaybinta sekada.
  4. Dejinta qorshayaasha Xafiiska.
  5. La-xisaabtanka iyo kormeeridda Agaasimaha Xafiiska iyo shaqaalaha Xafiiska Diiwaanka
  6. Ansixinta qorshaha shaqaale qorista ee Xafiiska Diiwaanka ee uu soo jeediyo Agaasimaha Xafiiska Diiwaanku.
  7. Hubinta in qorshayaasha Diiwaanku ay u fuleen sidii loo dejiyay.
  8. U yeedhista hanti-dhowrayaal maaliyadeed oo madax-bannaan iyo kuwa dawladdaba si ay baadhis xisaabeed ugu sameeyaan Xafiiska.

 

Qodobka 11aad

Xilka, Waajibaadka iyo Awoodaha Guddoomiye Ku-xigeenka Xafiiska

 

Guddoomiye Ku-xigeenka Xafiiska Diiwaanku wuxuu u xil-saaran-yahay:

 

  1. In uu ka caawiyo Guddoomiyaha xil gudashadiisa.
  2. In uu qabto xilka uu u igmado.
  3. In marka uu maqan-yahay Guddoomiyuhu ama sababo ka baxsan awoodiisa u gudan-kari waayo xilkiisa, fuliyo xilka iyo waajibaadka Guddoomiyaha ee ku xusan Qodobka 9aad ee Xeerkan, isla markaana adeegsado awoodaha Guddoomiyaha ee ku xusan Qodobka 10aad ee isla Xeerkan.

 

 

Qodobka 12aad

Shuruudaha Agaasimaha Guud ee Xafiiska Diiwaanka Sekada

 

Shuruudaha Agaasimaha Guud ee Xafiiska Diiwaanka Sekadu waa in uu:

 

  1. Yahay Muwaadin reer Somaliland ah oo Muslim ah kuna dhaqma Diinta Islaamka.
  2. Da’diisuna aanay  ka yarayn 25 sanno;
  3. Leeyahay khibrad maamul oo uu kaga soo shaqeeyey Hay’addaha Dawladda ama dhigooda, oo aan ka yarayn 3 sanno.
  4. Yahay ruux aan kicin (musalifin) ama aan caydhoobin.
  5. Shantii sanno ee u dambeysey Maxkamadi ku ridin xukun ciqaab ah.

 

Qodobka 13aad

Xilka iyo Waajibaadka Agaasimaha Guud ee Xafiiska Diiwaanka

 

Xilka iyo waajibaadka Agaasimaha Guud waa:

 

  1. Diyaar-garaynta miisaaniyad sannadeedka.
  2. Hagidda, maamulidda iyo kor u qaadida tayada shaqaalaha Xafiiska Diiwaanka.
  3. Diyaarinta qorshaha qaab-dhismeed iyo shaqaalaynta kaas oo ay ku jirto cabirka mushaharka iyo qaabka shaqo qorista.
  4. Isu-dheelitirka miisaaniyadda iyo diyaar-garaynta xisaab-xidhada Xafiiska.
  5. Diyaar-garaynta qorshayaasha dhow iyo kuwa fog ee Xafiiska.

 

 

Qodobka 14aad

           Maaliyadda Xafiiska Diiwaanka

 

Maaliyadda Xafiisku waxay ka imanaysaa ilahan soo socda:

 

  1. Sekada laga guddoomo ama laga soo ururiyo dadka ay ku waajibtey.
  2. Qadarka maaliyadeed ee looga qoondeeyo Miisaaniyadda Qaranka.
  3. Hibada iyo sadaqadaha aan shuruudda ku xidhnayn.

 

Qodobka 15aad

Maaliyadda iyo Hab-Xisaabeedka Xafiiska Diiwaanka

 

Hab-Xisaabeedka Xafiisku waa in uu:

 

  1. Ahaado mid sax ah oo hufan islamarkaana ay ka muuqato dakhliga iyo kharashkuba taas oo ku salaysan hannaan xisaabeedka dalka.
  2. Xisaab-xidh saddex biloodle ah u gudbiyo Madaxweynaha iyada oo uu u soo marinayo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta.

 

Magacaabida Masuuliyiinta Xafiiska Diiwaanka Sekada JSL.

 

  1. In Sheekh Siciid Maxamed Faarax Jire, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Xafiiska Diiwaanka Sekada Jamhuuriyadda Somaliland.

 

  1. In Sheekh Cawil Faatax Shire, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Xafiiska Diiwaanka Sekada Jamhuuriyadda Somaliland.

 

  1. In Sheekh Ibraahin Axmed Siciid, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Xafiiska Diiwaanka Sekada Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

 

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

                        Naasir Yuusuf Daahir

Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL

 

Naasir Yuusuf Daahir (Nasir Naska)

Xoghayaha Gaarka ah ee Xafiiska Saxaafadda Madaxtooyada JSL.

E-mail: naska2007@hotmail.com

nasirnaska77@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here