Saxilnews.com
Madaxwaynaha Somaliland Ayaa Booqday Dhismaha Xarunta Baadhista Shidaalka Ee Berbera
February 26, 2015 - Written by admin

Berbera (Saxil News.com)-Madaxwaynaha Jamhuuryadda Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamud (Silaanyo) Oo Maalintii Afraad safar Shaqo ku jooga magaladda Berbera ee xarunta Gobolka SAAXIL ayaa waxaa uu subaxanimadii hore ee saaka Kormeer hawleed uu kutagey xarunta haamaha shiidaalka ee Magaaladda Berbera oo laga hirgalinaayo Shaybaadh casriya oo lagu baadhidoono tayadda shidaaladda kaladuwan ee yimaada xaruntaasi kaydka haamaha shidaalka, Waxaana ugu horayntii halkaasi ku soo dhaweeyay islamarkaan warbixin faahafahsan ka siiyay xarunta iyo qaabka ay u shaqayso Guddoomiyaha Kaydka haamaha shidaalka Ee magaaladda Berbera Sheekh Salebaan Siciid Cali, uugu horayntiina isga oo  Madaxwaynaha Uuga war bixinaayana waxa uu yidhi,

mareeyaha

” Madaxwayne Halkan waxaa laga hirgalinayaa LAB, Laabkaasna waxaa gacanta ku haynaaya Kanbani wayn oo caalamiya waana laabkii Somaliland oo dhan ee shidaalka, Kanbanigaasina waxaa uu ka shaqeeya dhamaan dawlado badan oo Afrika ah waana kanbaniga gacanata ku haya Kenya haday tahay Mambaas hadaytahay iyo Jabuuti Lafteeda Raga ayno soo dirayaana waa rag Khibradooda ka uugu  yari uu shan iyo toban sanadood ka soo shaqaynaayay shidaalka mud. Madaxwayne waxaa ku baxaaya kharsh ka badan ilaa 10500’000 $ ah, waxaa u yaala imika Dekadda sagaal Kontiinar oo laabkii   oo dhamaystirana” Sheekh Saleebaan Siciid Cali Mareyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Ee Magaladda Berbara isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu shegay inuu LAABKAASI,wax wayn ka tarayo dhinaca shaqo abuurka ee dhalinyaradda waxan uu yidhi markale

“Dhinaca madaxwayne waxa uu wax badan ka tarayaa shaqo abuurka dhalinyaradda, Dhinaca kalena Mud. Maxawayne Waxa uu noqonaya Mashruucii Ugu BAlaadhnaa Ee uu qarankeenu helo mudadaas yar ee aynu joognay xilka gaar ahaana mudaaas yar ee Todobadda Bilooda ee aad madaxwayne ii wakiilatay inaan haamaha anigu hayo,

silaanyo

Axamaed Maxamed Maxamud Siilaanyo Madaxwaynaha Qaranka JSL oo Goobtaasi hadala kooban ka jeediyay ayaa sibalaadhan u soo dhaweeyay wax qabadka Mareyaha Haamaha shidaalka ee Magaaladda Berbera waxana uu yidhi Madaxwaynu” Aad iyo aad ayaan uugu faraxasanahay Inaan manta mashruuhacan Furo sidaasi fiican ee uu u sharaxay maareeyuhu aan u arko mid ahamiyad wayan uleh dalkan iyo dakan inasha allaahu tacaala waxaan rayanayaa inuu noqdo mida ina anfaca mashruucaasi”

Mukhtar Abdirahman

berbera -Somaliland

berbera2002@gmail.com

COMMENTS
Latest News