MADAXWAYNAHA KENYA OO XUKUMADA SOMALIYA U BALAN QAADAY ARIN KA DHAN AH QADIYADA MADAX BANAANIDA SOMALILAND.

0
133
Kenyan President Uhuru Kenyatta addresses a news conference at the State House in Nairobi December 2, 2014. Kenyatta said on Tuesday he had nominated a new interior minister and accepted the resignation of the head of the police, both of whom have been criticised for failing to stop a spate of attacks blamed on Islamist militants. REUTERS/Thomas Mukoya (KENYA - Tags: POLITICS CIVIL UNREST PROFILE)

Hargeysa (Saxilnews) Madaxtooyada Kenya ayaa cadaysay in Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu Madaxweynaha Somaliya u balan qaaday inaanay dawladiisu aqoonsanayn qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland, waxaanu meesha ka saaray in socdaalkii uu badhasaabka gobalka Meru ee dalka Kenya ku yimid caasimadda Hargeysa ahaa mid ay dawladda dhexe ee Kenya wax ka ogayd.

 

Afhayeenka madaxtooyada Kenya Manoah Esipisu ayaa sheegay in dawladda Somaliya ay socdaalkii badhasaabka gobalka Meru Mr. Munya uu ku yimid Somaliland; u aragtay inuu  hor dhac u yahay go’aan ay Kenya ku aqoonsanayso madaxbanaanida Somaliland. “Badhasaabka Meru ayaa u socdaalay Somaliland, isagoo doonayay inuu maamulkaas kula soo heshiiyo dhoofinta qaadka Miirooga.” ayuu yidhi afhayeenka oo intaas raaciyay “Wax kasta oo ay ujeedadiisu ahayd wanaag ama si kale, wuxuu badhasaabku kulamo la yeeshay maamulkaa, isagoon wax wada hadal  ah la samayn dawladda Somaliya amaba aan la tashan wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya. Badhasaabada oo uu ku jiro Munya waa inay ogaadaan inaanay wada wada hadalo iskala yeelin dawlado kale ama dalal kale iyagoon la sii hadal wasaaradda arrimaha dibadda.” ayuu yidhi afhayeenka Kenya.

Wuxuu sheegay in madaxweyne Kenyatta uu wada hadal arrintan kala yeeshay madaxweynaha Somaliya, wakhtigii uu socday shirkii IGAD ee Muqdisho ka qabsoomay islamarkaana uu u balan qaaday madaxweynaha Somaliya inaanay Kenya aqoonsanayn wuxuu ugu yeedhay afhayeenku maamul goboleedyada Somaliya oo uu ula jeeday Somaliland, waxaanu badhasaabka Kenyanka ah ee socdaalka ku yimid Hargeysa ku tilmaamay mid aan wax badan kala socon siyaasadda dibadda ee dalka Kenya.

Dawladda Somaliya ayaa u muuqata inay ciyaartay kaarto diblomaasiyadeed oo ay dawladda Kenya la beegsatay, iyadoo aanay jirin wax jawaab ama hadal ah oo ay dawladda Somaliland ilaa hadda ka tidhi qaddiyaddan oo xaasaasi noqotay.

.source Geeska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here