Saxilnews.com
Madaxwaynaha Cusub Ee Somaliya Oo La Filaayo In Uu U Baxo Safarkiisii Ugu Horeeyey Iyo Dalka Uu Tagaayo+Ujeedada.
February 18, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa(Saxilnews):-Madaxwaynaha Cusub ee dalka Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo dhawaan xilka kala wareegay Madaxwaynihii hore ee Somaaliya Xasan Sheekh ayaa la filayaa in uu dhawaan dalka kaga baxo safarkiisii ugu horeeyey tan iyo intii uu ku guulaystey kursiga dalka ugu sareeya.

Wararka laga helaayo xafiiska Madaxwayne Farmaajo ayaa tibaaxaya in safarkiisa ugu horeeya uu ku tagi doono dalka Sucuudiga iyada oo ujeedada safarka lagu sheegay in uu yahay sidii uu halkaasi ugu soo cimraysan lahaa Xajka.

Geesta kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Madaxwayne Farmaajo laga yaabo in uu soo maro dalal kale oo uu ka helay caasuumaad inkasta oo aan la xusin dalalkaasi.

Safarka MAdaxwaynaha Somaliya ayaa ka gadisan Safaradii ay u baxeen Madaxdii ka horeysay iyaga oo madaxdaasi safarka ugu horeeya ku tagi jirey Dalalka la jaarka ah Somaliya.

 

COMMENTS
Latest News