Saxilnews.com
Madaxtooyadda Somaliland Oo U Mahad Celisay Dadweynaha Ku Nool Goboladii Madaxweynuhu Booqday
January 27, 2015 - Written by admin

Afhayeenka madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa caawa u mahad celiyay dadweynaha reer Somaliland ee ku dhaqan goboladii iyo degmooyinkii madaxweynuhu booqday tobankii maalmood ee la soo dhaafay, oo uu tilmaamay inay si waddaniyad leh u qaabileen madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Afhayeenka madaxtooyadda oo caawa u waramayay shabakada wararka ee Somaliland.Org, waxa uu yidhi “Anigoo ku hadlaya ku hadlaya afka madaxweynaha Somaliland, waxaan uga mahad celinayaa shacbiga Somaliland ee ku nool degmooyinkii iyo goboladii madaxweynuhu soo maray barri iyo galbeed-ba sidii waddaniyada lahayd ee ay deegaan kasta oo uu marayay ugu soo dhaweynayeen hadh iyo habeen-ba.”

“Waxaan u mahad naqayaa haweenkii lammaanaa ee iyagoo isa sitay madaxweynaha Somaliland u taagnaa dariiqyada ee sida wanaagsan ee qiimaha badan ugu soo dhaweeyay tuullo iyo degmo kasta oo uu istaagayba,”ayuu yidhi Afhayeenka madaxtooyaddu.

Axmed Saleebaan Dhuxul waxa kale oo uu ku ammaanay dhalinyarradii, cuqaashii, waxgaradkii iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda madaxweynaha soo dhaweeyay isla markaana uu kulamada kala gedisnaa la yeeshay “Waxa kale oo aanaan iloobi Karin oo aan u mahad celinayaa dhalinyarradii, cuqaashii iyo waxgaradkii degmooyinka iyo gobolada dalka ee madaxweynaha soo dhaweeyay isla markaana sida qiimaha leh u qirayay waxqabadka xukuumaddu ka fulisay goboladda dalka. Iyo balan-qaadkoodii cadaa ee ay madaxweynaha u balan-qaadeen inay kala shaqeyn doonaan horumarka ay xukuumadiisu ku hawlan tahay.”

COMMENTS
Latest News