Saxilnews.com
MADAXTOOYADDA OO OLLOLE WEERAN UGU JIRTA BAAJINTA MOOSHIN KA DHAN AH WAREEJINTA HAAMAHA SHIDAALKA. KULANKII QASRIGA + HAWL-GELINTII WASIIRADDA + BAAYACAADDA SHIRKADAHA CUSUB IYO GOR-GORTANKII SAAMIGA
August 30, 2015 - Written by admin

Hargeysa( Saxilnews)-Madaxtooyadda, ayaa u feydatay olole weeran, kaddib markii laga war helay Mudanaayasha Golaha Wakiiladda oo aan kala lahayn Mucaarad iyo Muxaafid inay diidan yihiin ama kasoo horjeedan go’aanka sharci  Madaxtooyadda, ayaa u feydatay olole weeran, kaddib markii laga war helay Mudanaayasha Golaha Wakiiladda oo aan kala lahayn Mucaarad iyo Muxaafid inay diidan yihiin ama kasoo horjeedan go’aanka sharci darrada ah ee Madaxtooyaddu Haamaha keydka Shidaalka Qaranka ku siisay shaqsiyaad gaar ah.

Warar Wargeyska Yool ka helay ilo ku dhow-dhow Qasriga Madaxtooyadda, ayaa tibaaxay kaddib fadhigii Golaha Wakiiladda ee Shalay inay shir deg-deg ah Madaxtooyadda ku galeen xubno ka tirsan gollaha Wasiiradda, kuwaasoo lagu war-geliyey in mid waliba gaar kiisa uga hawl-galo Xildhibaanadda Beeshooda ugu jiraa Golaha Wakiiladda, waxa wararku intaa ku dareen sidoo kale, xubnaha Wasiiradda ah la faray inay ku hawlgalaan fikir iyo dhaqaale kolba mid kii uu hawl yar ee ay ku helayaan Xildhibaanada Beelahooda ee diidan go’aankii Madaxtooyaddu ku bixisay Haamaha Shidaalka Berbera.

Geesta kale, waxa wararku xusen in ololaha weeran ee Qasriga Madaxtooyadda ay kiciyeen xubno iskugu jira Wasiiro, sida la sheegay la olog ama ehel ah shirkaddaha Haamaha la siiyey qaarkood, iyo sidoo kale, xubno ka mid ah Ganacsatada la siiyey Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera, waxana sida xogguhu tibaaxen ka mid ah Wasiirada weerka u xidhay sidii ay uga hortagi lahaayen Mooshinka ka dhanka ah wareejinta Haamaha Shidaalka ee Berbera, Wasiirada Madaxatooyadda, Maaliyadda iyo Safiirka Somaliland ee Imaaraadka, ahna Wiilka Madaxweynuhu Sodogga u yahay, halka geesta kalena, xubnaha ganacsatada ah ee u oslan hannaashada Haamaha Shidaalka una dhaq-dhaqaaya sidii looga hortagi lahaa Mooshinka Golaha Wakiiladda, waxa ugu fadaalo cad Cali Ibraahin Ciise (Cali Waraabe).

Docda kale, warar Wargeysku helay niskii danbe ee Xalay, ayaa lagu sheegay Madaxtooyaddu ogolaatay in saamiyo cusub laga siiyo Haamaha Shidaalka xubno ganacsato ah oo markii hore aan tirada lagu darin, xubnahaas ayaa sida iluhu xusen waxa ay kala yihiin Ganacsade Muuse Xirsi Abokor (Muuse-Dalab) iyo Ganacsade Indho birta, waxa wararku intaa raaciyeen in labada Ganacsade loo ogoolaaday saami dhan 5% inay ku yeeshan Haamaha Shidaalka, halka saamileyda Madaxtooyaddu wadatay uu midkiiba ka leeyahay saami dhan 14%. Hase-ahaatee sida xoggaha lagu sheegay labada ganacsade ma aqbalin soo jeedinta Madaxtooyadda, waxana sida la sheegay labada Ganacsade ku doodeen in aanay aqbali dooniin wax ka yar saami leyda kale.

COMMENTS
Latest News