Saxilnews.com
Madax Sar Sare Oo Ka Socota Shirkada Dp World Oo Dalka Kusoo Jeeda+Wakhtiga Ay Imanayaan Iyo Ujeedada Socdaalkoodu Daaran Yahay
February 25, 2017 - Written by Abdisalaan Harir
Hargeysa(Saxilnews)Warar xog ogaal ah oo ay helayso shabakada Ramaasnews ayaa sheegaya in ay dalka Somaliland kusoo jeedaan wafti baladhan oo ka socda madaxda sare ee shirkada Dp World kuwaas oo  dhawaan la wareegi doonta gacan ku haynta dekeda magaalada Berbera.

Waxaana waftigan hogaaminaya gudoomiyaha shirkada Dp World Mr Sultan Bin Sulaymen,waxaana la socda sida naloo sheegay farsamo yaqaano iyo khuburo kala duwan oo ku xeel dheer arrimaha dekedaha,waxaana la filayaa in ay dalka yimaadaan maalinka Isniin ee fooda inagu soo haysa oo taariikhdu ku beegan tahay 27 bishan aynu ku guda jirno.

Waftigan ayaa sidoo kale waxa la sheegay in ay ujeedada ay dalka u imanayaan ay tahay sidii ay heshiisyo rasmi ah ula saxeexan lahaayeen shaqaalaha ka shaqaynaya dekeda magaalada Berbera oo ay dhawaan si rasmi ah usoo dhajiyeen liiska magacyadooda kuwaas oo tiradooda naloogu sheegay 720, sidii ay usoo indho indhayn  lahaayeen dekeda magaalada Berbera iyo waliba sidii si ay xukuumadda somaliland si rasmi ah ugu wareejin lahayd maamulka dekeda magaalada Berbera

Sidoo kalena xogaha ayaa waxay sheegayaan in iyagu ay maalinka barri ah dalka kusoo laaban doonaan waftigii wasiiradda ahaa ee ka socday xukuumadda somaliland isla markaana dhawaan socdaalka ku  tagay dalka Imaaraadka Carabta si ay usoo dhamaystiraan heshiiska dekeda Berbera ee Dp World.

Gabagabadiina socdaalkan ay dalka ku imanayaan waftigan ka socda shirkada DP World ayaa kusoo beegmaya wakhti ay dhawaan xukuumadda Somaliland shaaca ka qaaday inay bilowga bisha March shirkada Dp World si ramsi ah ula wareegi doonto gacan ku haynta dekeda magaalada Berbera.

COMMENTS
Latest News