Madasha Miisaanka Leh Ee La Filaayo In Lagu Caleemo Saaro Suldaan C/raxiin Saxardiid Kaahin W/Q: Ayaanle Ismaaciil Aw Daahir

    0
    15

    Labaatankii sanadood ee u dambeeyey raga saaxada madax dhaqameedka ku soo biiray waxay kala ahaayeen sadex , Nin la wareegay Xil-dhaqameed dhaxaltooyo ahaa oo aanu u qalmin , Nin aan cidina u cumaamadin oo iskii isugu hagoogay huga dhaqan iyo Nin bulshada uu kasoo jeedo ay doorteen una igmadeen huwashada Cimaamada dhaqan isla markaana ay caleemo-saaraan.

    Hadaan intaas kaga imaado Sadexda ay u  kala baxaan madax-dhaqameedka Soomaaliyeed,

    waxa dhagaha iyo dhaayaha bulshada Somaliland ku soo badanaayey Saladiin iskood isku Cumaamadey,damac mooye dani aanay ka gallin dan-yartay xilkoodi isku hagoogen , Sidii ay doonana ugu tagri fala Cumaamada caqli guurtey ee garabkooda sudhan .

    Suldaan C/xakiin Saxardiid Kaahin waxa uu kow ka yahay shakhsiyaadka saamaynta xoogan ku dhex leh bulshada Somaliland sida weyna uga dhex muuqda madaxda dhaqanka haday tahay kuwo soo jireenka ah iyo kuwa haatan nin kastaaba kaskii iyo iskii isugu Cimaamado.

    Waxaa xusideeda mudan astaamo gaar ah oo caqliyan iyo cilmiyanba ka turjumaya iraadada Rabbi weyne cidii uu doono wax ugu sakhiri karo ama ugu sahli karo, taaso qofkii Alle lamaaggo ka dhigta mid uu bulshada dhexdeeda tixgelin iyo ixtiraam kaga helo sidoo kalena ku gaadho darajo iyo dalacaad.

    Suldaan C/raxiin saxardiid kaahin waa shaqsi ku astaysan qodobada lagu garto suldaanimo.

    1 Daganan

    2 Deeqsi

    2 Dulqaad

    3 Dacadnimo

    4 dan-yarta oo loo gargarao

    Ka gayoon mayno dhaqanka suuban ee Suldaan C/xakiin Saxardiid Kaahin leyahay qoral waxan ka markhati kacaaya dadka dan iyo duunyaba uu badbaadiyey uguna hiliyey Saladiinta iskood isu cumaamadey

    Hadaba waxa si weyn looga hadal haya Magalooyinka waaweyn ee Somaliland qaabka Xukumada Axmed Silaanyo uga qayb qaadan-doonto Caleemosaarka Suldaankan oo la filaayo inu soo nooleeyo Haybadii Soomali ka qanacdey ee Suldaanimo .

    Waxa xusideeda mudan inu Suldaan C/xakiin Saxardiid Kaahin ,Saladiinta Soomaaliyeed dher yahay Aqoon iyo Karti-da iyo dulqaad uu ee Ilaahay ku manaystay

    Dadaal kasta oo ay uu galeen guul-wadayaasha hungoobey baajinta caleemo-saarka Suldaan C/xakiin Saxardiid Kaahin, waxay gacmo madhan iyo waji gabax kala kulmeen bulshada uu kasoo jeedo ee u caleemosaartey xilkan Suldaanimo,

    Si kastaba ha ahaate Bulsho-weynta isha ku haysay Caleema-saarka Suldaankan ayaa waxa ay aad ugu dhegtaagayaan dib usoo noqoshada Suldaan C/rakiin Saxardiid Kaahin oo ku maqan Dalka Dibadiisa ,Se La Arka Qaabkaa ay xumumada hada jirta uga qayb qaadato caleemo_sarka suldaanka la filaayo inu dib usoo nooleyo haybadii suldaanimo ee hore uga dhimaatey dadka Somaliland .

    Suldaan C/raxiin Saxardiid kaahin waa Isim u saaxiib ah mucjisooyin u gaar ah oo ka dhigay inuu noqdo saaxiibka guusha, sidaaso ay tahay hadana mararka qaarkood ayaa waxa la yaab noqota in ay ku dherersadaan dad aan u qalmin inay kaba hadlaan arimahan caleemasaarida Salaadiinta iyo Hogaanka Dhaqanka ee Bulshada

    Qurba joog iyo qolqol joogba waa kuwo soo dhaweeyey Suldaan C/xakiin Saxardiid Kaahin Waloow ay qolqal joogtou ka dareen badan tahay Qurb- joogta oo ayqaabkii ugu quruxda badnayd usoo dhawysay .

    Dhalinyarada , Wayeelka, Waxgaradka ,Culimada ,Caruur iyo Ciroolaba waa kuwo u heelan si hagar la’aaneed soo dhaweynta Suldaanka Cisiga Iyo Caqliga ku Asataysan Wanaaga ,iyo Wada-jirkana weheshada .

    Ayaanle Ismaaciil Aw Daahir

    Buuxo01@hotmail.com Ama Aawdaahir@gmail.com

    Hargyasa/Somaliland

    Tell 4474921

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here