Maanso Cusub: Xumaan Ka Nasahan Nabigu

0
14

Hargaysa (S N)-By Abwaan Siciid Mohamed Salaad

Waxa dhawaanahan caalamka siiba dunida reer galbeedka ka socday aflagaadooyin lagula kacayay Nabigeenii Maxamed ahaa naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaate taas oo saxaafada reer galbeedku siiba ta wadanka faransiiska jaraaid ka mid ahi soo sawiray sawir kartoon lagu aflagaadaynayo nabigeena (NNKH). Sidaa daraadeed iyadoo ay inagu waajib tahay inaynu afka iyo adinkaba ugu hiilino nabigeena(NNKH) ayaan gabaygan magaciisa la yidhaahdo XUMAAN KA NASAHAN NABIGU curiyay. Gabaygani waxa uu jawaab u yahay kartoonkii uu sawiray jaraaidka la yidhaahdo Charles Hbedo ee ka soo baxa wadanka faransiiska. Waxaanan ku bilaabay gabayga

 

 

Xumaan ka nasahan Nabigu

Ilaah baa nuur dul dhigay

Quraysh Nasab weeye runa

Nasteexaa laga dhaxlee

Kartoonada laysku nabay

Warkoodaa nuxurka daran

Miyaa loo nisbayn karaa

Dhamaan dunidoo lur iyo

Lugooyiyo hawli taal

Luntoo ambatoo laciiftay

Iimaankuna uu nusqaamay

Caqligu wada naafo yahay

Negaanshana aanu jirin

Ladnaantuba baahi tahay

Asnaam aan nafi ku jirin

Dadkuba ay naawilaan

Naruuro ka raadiyaan

Naftana u hibeynayaan

Sawtii nabigeenu yimi

Nasriga soo rogay raxmaan

Nalkiyo uu baxay ilays

Necbaanshuhu kuu u galo

Naftiisu halow bade

Naar iyo dhamac baa sugtoo

Jaxiimaa laasan doonta

Rumaynay rabow rumaynay

Na raaci rasuulkayaga

Rugtuu dagay nagu hagaaji

Rafiiqana nooga yeel

Iblayska sharkiisa iyo

Shaydaankana naga xijaab

Sharaftaad nagu beertay iyo

Islaamnimo nagu shakaal

 

 

DHAMAAD

By Abwaan Siciid Maxamed Salaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here