Saxilnews.com
Maamul Xumada Iyo Musuq Maasuq Golaha Deeganka Gabiley Waxaa Ka Masuul Ah Mayarka Gabiley ” Ku Takrifalka Hantida Umada
February 26, 2015 - Written by admin

Gabiley (Saxil News.com)-Masuliyiinta Dawlada Hoose ee Degmada Gabiley Oo Gadiidka shicibka soo Iibsadey Baabuurtii dawladana Geerashka dhigey iyo Doorkii wasaaraada hawlaha guud oo meesh ka maqan

20141012_105543

DAYAC NAANTA BAABURTA DAWLADA IYO DARYEELKA GAADIIDKA GAARKA LOO LEEYAHAY

 

 waxaa mudooyinkii u danbeeyey indhaha bulshada reer gabiley qabanayey masuuliyiinta kala duwan ee dawlada hoose ee degmada gabiley oo isticmaalaya Gaadiid ay ku dhagsan yihiin numberada shicibka oo ay soo iibsadeen, waxaan mudooyinkan danbe badaleeyeen baabuurta yar yar ee raaxda oo aad moodo inay ku Tartamayeen  badalaadood iyo numbaradood, iyada oo lacagta lagu soo iibinayo laga isticmaalo hantida umada ee ay masuulka ka yihiin.

20141010_124954-1

Baabuta Cusub Ee Mayarka Gabiley

 

sidoo kale baabuurtii kala duwan ee ay masuuliyiintani lahayaaen ayaa la dhigey geerash ku yaala degmada Aransiyo ee ka Tirsan gobolka gabiley, baabuurtani ayaa wax ay la fadhiyaan cilado soo gaadhay, walaw ku dhawaad 4bilood inbadan ay yaalaan  maadaam ay dawlada hoose tahay halbawlaha labaad ee dhaqaalaha dalka gaadhi kasta oo ciladi soo gaadh si dhakhsaha waxa looga qaban karo. sidoo kale wasaarada hawlaha guud iyo guryeyta oo qaranka masuul uga ah gaadiidka dawlada ayaan haba yaraatee wali waxba kala soco arintani.  iyada oo tahay ina masuulkasta oo xil u haya xukuumada somaliland ay tahay inuu u hogaansanaado shuruucda iyo xeernidamiyaha  dawlada  iyo astaamaha dawladnimo ee dalka u yaala  ayaan gabi ahaanba ka muuqan masuuliyiintani.

20141010_124918-1

CASHUURTII BULSHADA OO LAGU RAAXAYSANAYO

 

Wasaarada hawlaha guud iyo guryeynta ayaa iyadu shaqadii ay qaranka u haysay gabi ahaanba gabtey, isla markaan waxa kormeer ama indho indhayn ah aan kusameyn gaadiidka dawlada ee ay masuulka ka tahay, hadii gaadhi dawladeed la iibinayo wax waajib ah ina wasaaradu ogaato siyaabaha loo iibiyo iyo waxlagu iibiyeyba, si loo xakameeyey gaadiidka dawlada. hada wasaarada hawlaha guud ayaan guud ahaanba ka shaqeynin gobolka gabiley xafiisna aan ku lahayna waxa kormeer ah ku sameynin gaadiidka dawlada ee ku sugan gobolka gabiley

20141012_105711

DAYAC -NAANTA GADIIDKA DAWLADA

 

si kastaba ha hatee waa nasiib daro ah ina gaadiiidkii dawladu mudo 4biloodka badan uu kharas la,aan u yaalo geerakh ku yaala magaalada arabsiyo halka masuuliyiintii siticmaalayeyna ay ku Tamashleynayaa baabuur bareefad ah o ay hantidii umada kasoo iibsadeen haayadaha dawladuna aaney war u haynina

20141010_140619

GAADIIDKA YAR YAR EE LOOGU TALOGALAY SALADA XAAFADAHA

 

 

Mukhtar Abdirahman

berbera2002@gmail.com

COMMENTS
Latest News