Saxilnews.com
Budhcad Weeraro Xoogan Ku Haysa Xadhkaha Shirkada Telesom Berbera ”
February 5, 2015 - Written by admin

Maalmihii u danbeeyay waxa weerar Kooxo Budhcad ahi kusoo qaaadeen xadhkaha Enternetka ee shirkada wayn Ee TELESOM Magaalada Berbere Waxaana isxanibay Macaamiil badan shaqadoodii ay ku qabsan jirteen khadka Enternetka, Khataa xarunta Guud ee Telesom ayaa mar mar Khadku ka baxayay,
Waxaana saaka markii warkani Soo baxay si deg deg ah ah uga hawlgay Badhasaabka Gobolka saaxil Fahmi cabdi Bidaar oo markiiba u Yeedhay madaxda hay,adihii ay Khusaysay amaanku e Gobolka saaxil, waxaanu ku wargaliaya in si degdeg ah loo hawlgalo loona baadho waxyaabaha sababaya Dhibaatada loo gaystay xadhkaha Enternetka ee shirkada Teosom e berbera, 
hadaba Sida illo xog,ogaal ahi sheegayaan Maalmihii u danbeeyay,ba way socotay Kharbudaata lagu waday iyo Goo,gonta xadhkaha Khadka Enternetka e Telosom Berbera, Arinkana ayaana soo Bilawday sida la sheegay Illaa maalintii ay shirkada Somtel ay daahfurtay barmaamijkeeda Casriga ah e E Dahab oo u Shaqaynaya sida Borogaraamka Zaad ka e Shirkada Telosom, 
Musshkiladan ayaa hadaba waxaan baadhitaan adag Ku wada hay,adaha u xilsaaran amniga e kala Duwan, waxaany baadhayaan Kooxaha Budhcada ah e jar,jaraysa xadhkaha Khadka Enternetka e Shirkada Telosom e Berbera,
Cawaaqib Xumada Arinkan ayaa hadii uu dhex fadhiisto tartanka ganacsiga xorta ah Noqon doona mid Khatarteefda leh , Waxaanu ku sifoobi doonaa markii ugu horaysay ee Tijaaradu inaga gasho halis aynaan dhaqan u lahay, laakiin ka Hordhici mayno e waynu eegi halkay salka Dhigato,

warriye yassin jama ali
Berbera

COMMENTS
Latest News