Ma Runbaa in Labadii Wasiir ee ugu Miisaanka Cuslaa Wasiirada Kuhadhay Madaxwayne Siilaanyo, Wasiir Samsam- Wasiir Cakuse Iscasilayaan Maalinta Sabtida ah

0
13

Hargeisa (SAXILNEWS)_Ma Runbaa in Labadii Wasiir ee ugu Miisaanka Cuslaa Wasiirada Kuhadhay Madaxwayne Siilaanyo, Wasiir Samsam- Wasiir Cakuse Iscasilayaan Maalinta Sabtida ah?  Somalilandlive Media /   Warar Hordhaca  oo  Soo Gaadhay Xafiiska   Shabakada Saxilnews ayaa   Sheegaya  in  Labada Wasiir  ee   ugu Meesaanka Culus  Wasiirada Kuhadhay   Madaxwayne Siilaanyo   ay iyaguna Qorshanayaan in ay Si Wada Jir ah uga Huleelaan  Xarunta Madaxtooyada  Maalinta Sabtida  ah Galinka Hore Sida  Qorshaha Lagu Wado, Labadan Wasiir  oo  kala  ah Wasiirka Maaliyada   Samsam Cabdi  Aaden  iyo  Wasiir Warfaafinta    Cabdilaahi   Cakuse    Labada Wasiir  ayaa Sida  Xoguhu  Uxaqiijiyeen Saxilnews Isla Qaatay   in ay Si Wadajir  ah  iskucasilaan, inkasta oo Duruufo  kala Duwan  ay  labada Masuulba Katirsanayaan  Madaxtooyada  hadana  Waxa  Islaqaateen in  ay Kadaba Tagaan   Garabka Kulmiye  ee Dabad Wareega  ah.

Wasiirka Maaliyada Samsam Cabdi  ayaan   Iyadu   Qarsan Taageerada  ay Uhayso  Musharax Samaale   Kaas oo ay  isku Afseegeen  Marwada  Madaxwayne Siilaanyo Lasocodkiisa

Wasiir Cakuse  ayaa Isna Sida Lasheegayo Ka Xaqnaaqay  Awoodiisa   Wasiirnimo  ee Dhawr Meelood   Lookala Dhantaalay Waxana Kulan  uu Habeen Hore Laqaatay  Madaxwayne Siilaanyo  iyo marwo Aamin Waris  uu ka  Codsaday in Dib loogu Sooceliyo maamulka  Tv-ga    Qaranka  oo  Isaga  oo Maamulkiisa  Hore Looga  Saaray, Sidoo kalana Waxa  uu  Marwada Ka Dalbaday in ay Wax Kaqabato  Dhaliinyarada  ay Wasaarada Keentay   ee Amar Kutaaglaynta Wada  Isaga oo Dalbaday  In Maamulka Wasaaradiisa Faraha Looga Qaado,  Balse Waxa Codsigan Ka Gaws  Adaygtay   Marwada   oo   Sida Lasheegay Hadal  aan Badnayn Kutidhi   Cabdilaahow– Sidaadi Hore Shaqada  Uwado   Wax Labadalo  iyo  Wax    lakala Dheegayaa Toona Majirto-e

Waxana  ay Arintani kacadhaysiisay Wasiir Cakuse  Waana  Sababta Loobadinayo  in uu Maalinta  Sabtida  ah isku Casilo, Inkasta oo aanu Wasiir Cakuse Saaxiibo  Dhaw Kulahayn  Garabka Debed Wareega ah ee Dhawaanta Iscasilay ,Sidoo  kalana uu Dhawaan  Dhistay  Guri Wayn oo  Qayb Kamid ah uu Dayn Kusii Dhisay  Isaga oo Naawilayay  in Sanadka   Iyo Badhka U hadhsan Xukuumada Siilaanyo in uu Iska Bixiyo   Daynta Lasheegay in  ay Shirkada   Al Najax Constructioncompany   Uhaysato Wasiirka   Dayntaas  ooo  Kaga Hadhay Guri   ay Dhawaan  Ubinaysay Shirkadu Wasiirka,  Inkasta oo ay Duruufahaas Adagi Kuxeeran Yiin Wasiir Cakuse Hadana Waxa Lasheegay in ay Kasoo Goday  In  uu Iscasilo Wasiirku.

Sikastaba ha Ahaato ee Maalinta Sabtida  ayay   kala Cadaan  in ay Labadan Masuul Kaga Dhabeenyaan  Iscasilaadooda  iyo  in ay Tahay   Goolaa Xooftan  ay Odayga Kujilcinayaan

 

berbera2002@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here