Home Warka Ma heshiis ayay gaareen Saadaq John iyo dowladda Federaalka ee Soomaaliya?

Ma heshiis ayay gaareen Saadaq John iyo dowladda Federaalka ee Soomaaliya?

0
23

Saadaq John oo kamid ah saraakiisha ku sugan furiimaha hore ee dagaalka ka dhanka ah Shabaab ee ka socda Mudug

XIGASHADA SAWIRKA,AHMED MOALLIM FIQI

Qoraalka sawirka,Saadaq John oo kamid ah saraakiisha ku sugan furimaha hore ee dagaalka ka dhanka ah Shabaab ee ka socda Mudug

Waxaa soo shaac baxay sawirro laga soo qaaday jiidaha Galmudug ee ay ciidamada dowladda kula dagaallamayaan xooggaga Al-Shabaab, kuwaas oo muujinaya in taliyihii booliska ee gobolka Banaadir, Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John) uu qeyb ka yahay ciidanka dowladda.

Taliyaha ciidamada dhulka ee Soomaaliya, Jeneraal Maxamad Tahliil Biixi, ayaa BBC-da u xaqiijiyay in Saadaq John uu ka mid yahay ciidanka hadda ka dagaallamaya aagga Bacaadweyn.

“Saadaq John saraakiisha aan hoggaaminayo ayuu kamid yahay, saddex madax oo aan u qeybinay ayuu qeyb joogaa [hogaaminayaa], saraakiishaas ayuuna kamid yahay. Ciidanka Federaalka kama tirsano, balse waa shakhsi dagaalka ku jira.” ayuu yiri taliye Biixi.

Saadaq John ayaa 12-kii bishii April ee sanadkan laga qaaday xilka taliyaha booliska ee gobolka Banaadir, kadib markii uu sheegay inuu joojiyay kulan uu Golaha Shacabka ee Barlamaanka uga doodi lahaa arrimaha doorashada. Waxaa laga xayuubiyay darajadiisa ciidan.

Waxa uu go’aankiisa ku sababeeyay in Golaha Shacabka uu halis gelinayo ammaanka dalka. Isla maalintaas, Golaha Shacabka ayaa u codeeyay in muddo laba sano ah xilka loogu daray hay’adaha dowladda.

Go’aanka Golaha Shacabka ayaa dhaliyay in iska horimaadyo hubaysan ay Muqdisho ku dhexmaraan ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Federaalka oo kala taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo madaxda dowladda.

Saadaq John ayaa kamid ahaa saraakiisha hormuudka u ahaa dhinaca ciidanka taabacsan mucaaradka, waxaana uu saldhig ka sameystay xaafadda Shiirkole ee caasimadda.

Tegiddiisa Galmudug

Dhawaan ayuu ka degay Dhuusamareeb, waxaana qorshuhu ahaa in uu ka qeybgalo dagaalka ka dhanka ah xooggaga Al-Shabaab ee ku sugan Galmudug.

Wasiirka amniga ee Galmudug, Axmed Macallin Fiqi, ayaa bartiisa Facebook ku sheegay taliska ciidanka dowladda ee ku sugan aagga Bacaadweyn iyo Saadaq John ay heshiis ku yihiin la dagaallanka Al-Shabaab.

“La dirirka argagixisada ayaa mideeyey markii ay dhacday in siyaasaddu kala geysay, haddii meel la isku diido macnaheedu ma ahan inaan meelo kale la isku waafiqi karin. Gen. Maxamed Biixi iyo Gen. Saadaq John oo ku ballamay ciribtirka argagixisada, waxaa maanta naga maqnaa Gen. Cabdi Qeybdiid oo hawlo shaqo ugu jiray aag dagaal oo kale,” ayuu qoray wasiir Fiqi.

Waa kuma Saadaq John?

Saadaq John

XIGASHADA SAWIRKA,SONNA

Qoraalka sawirka,Saadaq John

Saadaq John, oo magaciisa oo saddexan yahay Saadaq Cumar Xasan ayaa ku dhashay deegaan ka tirsan dhulka Soomaali Galbeed ee dalka Itoobiya. Saadaq ayaa la sheegaa in uu horraantii 1993 uu usoo wareegay Muqdisho, isaga markii danbena 2002 ugasii gudbay dalka Kenya kaddibna dalka Koonfur Afrika, halkaas oo ka sii aaday London. Waxaana uu dalka dib ugusoo noqday sannadkii 2014.

Markii uu dalka dib ugu soo laabtay waxa uu soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin taliyaha NISA ee Galmudug, sida oo kalena sannadkii 2017-kii loo magacaabay taliyaha nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka (NISA) ee gobolka Banaadir.

Taliyihii hore ee hay’adda NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe), oo ay soo wada shaqeeyeen muddo dheer Saadaq John ayaa ku tilmaamay in uu yahay nin hawl kar ah, oo shaqadiisa sida ugu habboon uga soo baxa.

“Waa nin aaan saaxiib ahayn oo aan si dhaw usoo wada shaqaynay laga soo billaabo London, tan iyo intii aan madaxda u ahaa. Waa nin aan u xushay geesinnimo, hawlkarnimo, hawsha aad u dirtana ka soo dhalaali kara. Waa nin madaxda ka sarraysana daacad u ah shaqada aad u dirtana aan qabyaynaynin, go’aan qaadashadiisuna fiicnayd”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhawr jeer warbaahinta ka weeraray Saadaq John, waxaana xusid mudan in muddo ka hor uu Dowladda Turkiga ku dhaliilay laba wajiilenimo, ka dib markii ay billad sharaf guddoonsiiyay Saadaq John, oo uu ku eedeeyay gacan ku dhiigle dilay shan ka mid ah ilaaladiisa, xilligaas oo la weeraray hoygiisa.

Saadaq ayaa lagu beddelay taliyihii ciidanka Harmacad, Farxaan Qaroole oo noqday taliyaha cusub ee ciidanka booliska ee gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here