Saxilnews.com
” Lama Shaqeyn Karno Ruushka … ” Xoghayaha Gaashaandhigga Dalka Mareykanka Jim Mattis
February 17, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

USA (SaxilNews):- Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Jim Mattis ayaa meeshaka saaray wax wada shaqeyn milatari ah oo dhex mara Mareykanka iyo Ruushka, isaga oo sheegay in duruufaha hadda jira aysan ahayn kuwa sax ah

Image may contain: 1 person, suit

“Hadda ma joogno heer aan wada shaqeyn milatari ku yeelan karno. Hase yeeshee hogaamiyayaasheena siyaasadda ayaa hadli doona oo wax isku raaci doona” ayuu yidhi Mattis oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta NATO ee Brussels.

 

Ka hor inta wada-shaqeyn milatari aysan dhicin, Ruushka waa inay caddeeyaan inay u hoggaansami karaan xeerarka caalamiga ah, ayuu yidhi Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Mr Mattis.

Hadallada Mattis ayaa yimid kadib markii wasiirka gaashaandhigga Ruushka Sergei Shoigu uu sheegay in Moscow “ay diyaar u tahay inay dib usoo celiso wada shqeyntii ay la lahayd Pentagon-ka”

COMMENTS
Latest News