Saxilnews.com
War Deg Deg Ah: Labo Qof Ayaa Ku Dhaawacmay Deeganka Darar-Wayne Ee Gobolka Sanaag Iyo Rasaasta Oo Hada Kasocota ” Dagaal Fool Ka Fool Ah”
August 4, 2016 - Written by admin

Ceel Afwayn (Saxilnews.com)-labo qof ayaa ku dhawacmay deeganka darar wayne ee gobolka sanaag kadib markii weerar lagu soo qaaday Ragg Barkad Biyood ka qodanayey deegankaasi Dararwayne rasaas xoogan oo la humiyey ragaasi barkada hawlanaa waxaa ku dhaawacmay labo qof ay ku dhacday rasaastaasi labada nin ayaa dhaawac culusi soo gaadhay sida ay noo xajiiqiyeen dadka ku sugan deegankaasi dhaawac ayaa hada loola cararay deeganka Ceel Afwayn ,

Ilaa hada dhawaac rasaasta ayaa Xoogaystay kadib markii ay soo gurmadeen dadkii ay kasoo jeedeen dadka dhaawac culusi soo gaadhay .

waxaana hada deegankaasi laga maqlayaa ciidamo xoogan oo kasoo kala jeeda Beelaha degan deegankaasi Dararwayne ee Degmada Ceel Afwayn ,

wararka ayaa intaasi ku daraya inay ilaa hada aanay gaadhin ciidmada dawladu deegankaasi balse ay jiraan ciidami tiro yar oo kasoo baxay deeganka Ceel Afwayn balse waxaa ilaa hada Faraha Ka Baxday dhawaaqa Rasaasta Oo laysku adeegsanayo .

wararkan khasaaraha gaystay ayaa keenay kadib markii ay labo beelood bilihii ugu danbeeyeyba ay isku horfadhiyeen Deegamaynta Magaalada Dararwayne taasina ay keentay inay isku baxsadaan Labadaasi Beelood ee wada degga deegankaasi .

dagaalkan oo saaka arooryadii hore bilaabmay ayaa ilaa hada kasocda dhulka ayda (Soolka) ee deegankaasi ilaa hadana waxaa laga dhursugayaa halkuu saldhigan doono ,

Saxilnews.com

Sanaag Barri

COMMENTS
Latest News