Saxilnews.com
LABBADIINA DARAFBA MIDHADHBAA IDIN SEEGAY
August 18, 2016 - Written by admin

Shalay ilaa Maanta waxaan ka daalacanaayey bartan ay dhalintu hadba wixii jira isku waydaarsato ee Facebook Qoraalo Dhaliil iyo Difaacidba isugu jira oo ku waajihana walaalkeen Sharmake Geelle sababtuna ay tahay Xilkii Madaxwaynaha qaranku u igmaday wiilkaa Jiilkeena tusaalaha fiican u noqday.

Labba kalmadood ayaan rabaa inaan idhaahdo qolyihii Dhaliisha iyo Toosintaba isugu daray Gudoomiye Sharmarke, Qolyihii Ka falcelinaayey dhaliilahaas.

Asxaabtayda Sharmarke dhaliishay waxa la gudboojayd inay ku garab galaan Xilkaa culus ee qaranku u igmaday waayo Sharmarke Galigii xilkaas looma magacaabin ee magaca jiilka iyo dhalinta cusub ayuu maanta huwan yahay oo Aniga Idinka iyo Sharmarkaba xilkaasi wuu ka dhaxeeyaa, Shaqo culus oo tijaabo u ah dhamaan dhalinta ayaa maanta sharmarke hor taala haddii Alle ku asturo wuxuu noqonayaa Singal iyo shamac dhamaanteen inaga turjuma haddii kale maxsuulka waynu wada leenahay oo Sharmarke kuma kaliyeysanaynso,waxay ahayd in dhiiri galin iyo guubaabo loogu badalo inta walaalkeen hadaladiisa la dhadhansanaayo Maxamed Siddiiq Dhamme, Nuuradiin Diini Cabdirashiid Cismaan Mustafe Barud Yoonis Ahmed Yoonis Khadar Gureytegorfayntiina waa u shidaal Sharmarke waxaa idinla gudboon inaad qodaxda iyo qocondhada kala gurtaa howshaas dhamaanteen inoo taal ee Sharmarke inogu matalo.

Qolyaha difaacayna waxaan la gudboonayd inaanay dhalinta ka xigtaysan ee uu dhamaanteen hormuud inoo yahay siday hadaladooda u dhigeen waxaad ka dhex dheehanaysay inay sharmarke dayr u yihiin waxaan’se hubaa inuu Sharmarke yahay qof Alle SWT u abuuray kalgacal, Dhibirsanaan, Dulqaad iyo naxariisba dadku waa isugu mid oo makala dhawaysto Xamse Cumar Kujoog, Liban Ismail Burale iyo Cabdiraxmaan Wirdaani waa inoo dhex waayo waa Muraayad min Salal ilaa Sool laga dhex dheehan karo kartida iyo karaamada dhalintu huwan tahay, SaxibkayDrmohamed Abdilaahi Biihi midh ayaan leeyahay waar inamada hayso jabin.

Walaal Sharmarke waa hubaa oo intii kalmadahaaga gorfaysay xumaan uma haysid oo dhamaanto haldoor ayaad noo tahay Alle waxaan kaaga beryeynaa inuu kugu guuleeyo shaqadaa culus ee tijaabada awooda dhalinta ah..

COMMENTS
Latest News