Saxilnews.com
Labaatan Jirow: Sheekada maxaabiistii jeelka ku dhex samaystay luuqadda iyaga gaarka u ah
February 21, 2022 - Written by Baas Rashiid
.

Afartan sano ayaa laga joogaa Kacdoonkii UFO, oo ahaa qorshe dhallinyar gadoodsani ay dhagax kala hortageen ciidankii hubaysnaa ee dawladdii Kacaanka, xilligaas oo ay muddaharaaddo ka dhigayeen magaalada Hargeysa.

Waxa ay ka bannaanbaxayeen xadhigga macallimiin iyo rag kale oo si iskaa wax u qabso ah u caawinayayey hawlaha danta guud ee magaalada, arrintaas oo maamulkii markaa jirey u arkeen hawl looga dan leeyahay in farta lagu fiiqo baylahada ka timi dhanka dawladda, si dadka loogu kiciyo.

Jaamac Muuse Jaamac madaxa Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa waa ardaydii waagaas ee hawshaasi saamaynaysay.

“Waxa ay ku soo beegmeen xilli adag oo dhinacna fursad rajo ka muuqato, oo la odhan jirey Soomaaliya waxay gaadhaysaa iskufilnaansho dhaqaale, dhinaca kalena waxay arkayeen rajoxumada, aqoondarrada, iyo baaba’a bulsho ee isa soo taraya. Markaa waxay isku dayeen in wax kasta ha ku qaadatee ku dhiirradaan inay beddelaan jidka loo socdo. Rajadaas iyo rajobeelkaa is barbarsocda ayaa kacdoonkii UFO kadhigay mid ka duwan kacdoonnada adduunka ee dhallinyaradu hoggaanka u haysay.” ayuu yidhi Jaamac Muuse Jaamac

Siddeed iyo labaatan nin ayaa xilligaas loo xidhxidhay eedo kala duwan kuwaas oo markii danbe qaarkood lagu xukumay xadhig gaadhsiisan sanooyin illaa xabsi daa’in.

.

XIGASHADA SAWIRKA,MAXAMED BAARUUD

Qoraalka sawirka,Waa Jariirada Xidigta Oktoobar ee soo baxday March 1982 , ahna maalintii la xukumay.

Maxamed Baaruud waxa uu ka mid ahaa labadii qof ee xabsi daa’inka lagu xukamay. Si gaar ah waxaa loogu haystay qoraallo ay isaga iyo saaxiibkii ku qori jireen wargeys koobnaa oo la odhan jirey UFO- Magaca markii danbe xuskoodii ku astoobay.

Markii xukunku ku dhacay kaddib intoodii badnayd waxaa loo wareejiyey xabsiga labaatan jirrow, oo ku caan ahaa in lagu xidho dadka ku eedaysan khiyaano qaran. Maxamed iyo qaar ka mid ah asxaabtiisii muddo ku dhawaad siddeed sano ah ayay xabsiga ku qaateen.

Noloshii Xabsiga

Xabsiga Labaatan Jirrow waxa uu magaalada Baydhabo u jiraa ku dhawaaad 70km, waxa uu ahaa xabsi lagu xidhi jirey dadka ku eedeysan xukunnada siyaasadeed ama khiyaamo qaran, kuwaas oo si uun loola xidhiidhinayo in ay isku dayeen in ay maamulkii jirey ka hor yimaaddaan.

Nolosha xabsigaas ayaa lagu tilmaamaa in ay ahayd mid adag, taas oo qof kasta qol yar oo ilays iyo daaqad aan lahayn uu ku keliyeyasanayey. Asxaabtii wada socotay markii mid kasta gaar loogu xidhay qolal is xigxiga oo qof kasta ay is muteen afartii gidaar iyo naftiisu, waxaa dhibaato ku noqotay sidii ay isaga war hayn lahaayeen una wada xidhiidhi lahaayeen.

Xidhiidhkaas oo inta uu iska war hayn yahay in ka badan u ahaa xaalad caafimaad oo ay kula tacaalayaan noloshan xabsiga si aanay saamayn taban oo maskaxeeed ugu yeelan.

Inkasta oo ay ku xidhnaayeen qolal isku xig xiga caqabadda ugu weyni waxa ay ahayd gidaarkii u dhexeeyay, kaas oo aan u saamaxayn in ay si fudud u kala warqaataan. Codkooda oo kor noqdaana waxa uu usoo jiidayey dhibaato hor leh oo uga imanaysa askartii ahayd ilaalada jeelkaas.

Mid ka mid ah ayaa fekeray oo ikhtiraacay hab cusub oo ay ku wada xidhiidhaan.

Luuqaddii afgarashada ee gaarka u ahayd

Sida ay weriyeen kuna qoreen xasuusqorradii ay ka reebeen noloshoodaas, mid ka mid ahaa dhallinyaradii ku wada xidhnayd jeelkaas oo lagu magacaabi jirey ayaa fekeray oo ikhtiraacay luuqad cusub oo ay si gaara ah ugu wada xidhiidhaan.

“Way nagu adkayd noloshii kelinnimo, inkasta oo aan isku xig xignay lama ogola in aad hadasho oo ciqaab kale ayaaba laguusii geysanayaa. Mid naga mid ah ayaa fekeray oo luuqad cusub naga baray gidaarka. Wuxuu yidhi gidaarku laba dhawaaq oo kala duwan ayuu samayanayaa kuwaas oo kala ah ‘dig iyo ‘dhaw’. ” ayuu Maxamed Baaruud oo ka mid ahaa maxaabiistaasi u sheegay BBC-da.

.

XIGASHADA SAWIRKA,MAXAMED BAARUUD

Qoraalka sawirka,Maxamed Baaruud, oo ah hadda ah shakhsi u dooda xuquuqal iinsaanka Dec 2021

Dhawaqyadii gidaarku samaynayey ayay ku fadhiisiyiin xarfihii alifbeetada Ingiriisida, isaga oo xaraf kasta ay u yeeleen dhawaaqyo u gaar ah oo lagu garto. Taas oo keentay in codadkii gidaarku samaynayey markii ay isbiirsadeen ay weedh la fahmi karaa ka samaysantay.

“Markasta oo gidaarka tantoobo lagu dufto waxa uu samaynayaa dig halka fanaxuna uu samaynayo dhaw. Kolkaa fanaxa dhawda samaynayaa waa A, halka digtuna tahay B, laba dhaw-na waxay noqonayaan C illaa laga gaadhayo Z oo ah dhaw dig, dhaw dig” ayuu yidhi Maxamed.

Dhawaqyadaas ayaa mar kale kul miyey, oo ay ku sheekaysteen, ku kala warqaateen muddadii ay xidhnaayeenna wax isku bareen, qof kastaana wixii uu ku fiicnaa ayuu kii kale ee gidaarkiisu xigay uga faa’iideeyey.

Sida uu Maxamed noo sheegayna qaar ayaaba tafsiirka quraanka habkaa ku bartay halka qaarna afaf kale ku barteen. Isaga laf ahaantiisana, si gaara ayayba u caawisay oo xilli nolosha xabsiga ee adkayd ay iskubuuq ku keentay oo hurdadii ku guurtay sheeko dhan oo ka kooban buug kor dhaafaya siddeed boqol oo bog ayaaba lagu dul akhriyey, oo sidaa uu wehel uga dhigtay.

“Anigu mar hurdadu iga yara tagtay oo aan isku buuqay, ninkii igu xigay oo Dr Aadn la odhan jirey waxa uu ii akhriyey buugga Anna Karennina oo siddeed boqol oo bog ahaa illaa aan ku daalay oo aan ku lulooday oo hurdadii igusoo noqotay.”

“Fartaasi wax badan bay noo tartay, waayo wax walba waad ka sheekaysanaysaan, iyada oo aanay askartuna fahmayn waxa meesha ka socda. Mar mar bay ku soo marayaan adoo gidaarka dhegta ku haya oo saaxiibkaagii kugu xigay kuu sheekanynayo oo aad qoslayso, markaasay madax is qaban jireen oo odhan jireen kuwani waa waasheen.” ayuu yidhi Maxamed

Maxamed iyo asxaabtiisii sidaa ayaa ay ku wada joogeen oo waayihii cusbaa ee mideeyeyna ay isku dhaafiyeen. Markasta oo dhacdadaa dib uga sheekeeyaanna waxa ay noqotay wax lala fajaco, inkasta oo muujinayso kartida aadamaha.

.

XIGASHADA SAWIRKA,MAXAMED BAARUUD

Qoraalka sawirka,Maxamed Baaruud iyo xaaskiisii, goobtu waa Koln Germany kadib markii la soo daayay , 1990

“Waxa ay ku tusaysaa awoodda qofka bini’aadmiga ah kolka la culaysiyo in maskaxda uu tuujiyo oo la yimaaddo fikrad cusub. Kolka kali lagu go’doomiyo, wax akhris laguu diido, la hadal laguu diido, aadna ogtahay in qolka kugu xiga saaxiibkaa oo sidaada oo kale ahi ku jiro, waa markaa marka maskaxda la tuujinayaa ee fekerkann cusubi imanayaa.”Jaamac Muuse Jaamac oo ah cilmibaadhe dhanka afafka ah ayaa ku qeexay sidan fikraddoodaas.

1989-kii markii ay sii baaheen dagaalladii ay jabhuduhu ka hayeen dawladdii kacaanka ayaa dhammaantood la soo daayey.

Maxamed kuma uu sii hakan dalka oo isaga iyo asxaatiisii badankoodii markii xaalkii dalku dagaal u dhurtay qurbaha ayay galeen, sheekadii soo martayna qoraal ayuu ka sameeyey oo waxa uu ka qoray buug uu u bixiyey Weerane – kaas oo uu ugu magac daray geedkii u ku dhashay.

Inkasta oo waayuhu isbeddelay Maxamed weli halgankii ayuu ku jiraa oo xuquuqal insaanka dadka aan codka lahayn ayuu u doodaa, isaga aoo markan Hargeysa ku sugan.

Maalintii dhallintu u muddaharaadday dartood oo ku beegnayd bishii Feebarweri 20-keedii, waxa ay Somaliland imika ka tahay Maalinta Dhallinyarada Somaliland, iyada oo la xuso naf hurnimadoodii iyo doorkoodii ay qaateen xilli ay dhallin yaro ahaayeen.

COMMENTS
Latest News