Laba Wasiir Oo Ka Tirsan Xukumadda Madaxwayne Siilaanyo Oo Khilaaf Hoose Ka Dhex Dilaacay + Mid Hayb Sheegtay

0
18

Hargysa(Saxilnews):- Laba wasiir oo ka tirsan xukumadda madaxwayne siilaayo ayaa waxaa soo kala dhex galay khilaaf hoose oo aan wali si xoogan u soo gaadhin saxaafadda Somaliland.

Labadan wasiir ayaa kala ah wasiirka wasaaradda beeraha iyo wasiiru-dowlaha wasaaraddaasi oo bilihii ugu dambeeyay aanay ka dhaxayn wadda shaqayn fiicani.

Warar hoose ayaa Hangoolnews u xaqiijiyay in wasiirka beeraha somaliland oo ka soo jeeda beelaha dhexe uu maroorsaday awoodii wasaaradda meeshana ka saaray wadda shaqayntii labada wasiir.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda beeraha ayaa ka soo jeeda goboladda bariga Somaliland,

Wasiiru-dowlahan ayaa aan iman wasaaradda inta badan wasiirudowlaha beeraha C/waaxid C/qaadir C/raxmaan ayaa ka mid ahaa wasiiraddii la Casilay Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali X Cali.

Ma jirto wax war ah oo  ay ka soo saaray ama go,aan ah madaxtooyadda dalku.

Xigasho:-Hangoolnews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here