Saxilnews.com
La Ogaaday: 4 Xiddig Oo Ay Real Madrid iibin Doonto Si Ay U Hesho Neymar Oo La Ogaaday
May 10, 2018 - Written by editor

Wararka ka imanaya Spain ayaa sheegaya in ay kooxda Real Madrid isku diyaarinayso in ay iibiso 4 xiddig oo kooxdeeda ah si ay lacagtooda ugu dhaqaaqdo saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Neymar.

Xiddiga Neymar ayaa diyaar u ah in uu u dhaqaaqo kooxda Real Madrid inkasta oo uu xagaagii hore ugu biiray PSG isaga oo ah xiddiga ugu qaalisan suuqa kala iibsigs.

Neymar ayaa lala xiriirinayaa in uu doonayo in uu ku laabto horyaalka La Liga halka ay kooxda Los Blancos isku diyaarin doonto in ay xoojiso kooxdeeda.

Wargayska Diario Gol ayaa sheegaya in ay kooxda Real Madrid diyaar u tahay in ay iibiso 4 xiddig oo ka mid ah xiddigeheeda si ay Neymar u keento Bernabeu.

Kooxda Real Madrid ayaa la sheegayaa in ay iibin doonto xiddigaha Karim Benzema,Gareth Bale, Isco iyo James Rodriquez kuwaas oo ku kici doona qiimo dhan 175 milayn euro.

Los Blancos ayaa ku kalsoon hadii ay lacagtaas gacanta ku dhigto in ay Neymar dib ugu soo celin doonto horyaalka La Liga xilli ciyaareedka dambe.

COMMENTS
Latest News