Kuuriyada Waqooyi Oo Kashifisay Shirqool Ay In CIA-da Dalka Mareykanku Ku Dooneysay In Ay Ku Disho Madaxweynaha Dalkaas Kim Jong-Un + Qaabka Loo Dilaayey 

0
17

London (Saxilnews):- Kuuriyada Waqooyi ayaa Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ku eedaysayin dad u shaqeeya ay maleegayaan shirqool ay ku dilaan hogaamiyahooda Kim Jong-un.

 

Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in lacag la siiyay qof ay “Kim” bas ah ku sheegeen si uu u gaysto weerar kiimiko loo adeegsaday, sida ay sheegtay wasaaradda amniga gudaha.

Image may contain: 1 person, closeup

Waxay sheegtay in shirqoolkaas la fashiliyay Waqooyiguna uu baadhritaan samayn doono oo si aan naxariis lahayn u burburin doono dadka ay soo dirsadeen Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi.

Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi wali kama aysan hadlin eedaymahaas.

Sheegashadan Waqooyigu waxay ku soo aadaysaa iyadoo ay sare u sii kacayso xiisadda ka taagan gacanka Kuuriya.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ballan qaaday in uu xallin doono arrinta Kuuriyada Waqoyi uuna joojin doono in ay kobciso nukliyeerkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here