Saxilnews.com
Kuuriyada Konfureed Oo Xaqiijisay In La Dilay Madaxweynaha Kuuriya Waqooyi Walaalkii Iyo Cida Ka Danbeysay Dilkaas
February 15, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

South Korea (SaxilNews):- Dawladda Kuuriyada Konfureed ayaa xaqiijisay in hogaamiyaha KuuriyadaWaqooyi Kim Jong-un walaalkii lagu dilay Malayshiya.

Image may contain: 3 people, suit

Kim Jong-nam ayay u muuqataa in uu u dhintay weerar sun loo adeegsaday oo lagu qaaday isaga oo jooga garoonka Kuala Lumpur Isniintii.

Illaa iyo hadda lama sheegin ujeedada laga lahaa dilkaas lamana aqoonsanin ciddii ka dambaysay.

Sarkaal u hadlay Booliiska Malayshiya ayaa sheegay in ay wali socdaan baadhitanada lagu hayo dilka Kim Jong-nam

Madaxweynaha ku meel gaadhka ah ee Kuuriyada Koonfureed Hwang Kyo-ahn ayaa sheegay in haddii la ogaado in dilkaas ay ka dambaysay Kuuriyada Waqooyi ay taasi muujin doonto “arxandarrida iyo sida aan bani-adamnimada waafaqsanayn ee ay u dhaqmayso”.

Waxayna noqon doontaa qofkii ugu magac waynaa ee ku baxa gacmaha hogaanka Kuuriyada Waqooyi tan iyo 2013kii markaas oo la dilay Chang Song-thaek, oo ah Kim Jong-un adeerkii.

Madaxweynaha ku meelgaadhka ah ee Kuuriyada Koonfureed Hwang ayaa sheegay in dalkiisu uu si dhaw ula socdo dhaqdhaqaaqa Kuuriyada Waqooyi.

COMMENTS
Latest News