Saxilnews.com
Ku xigeenka hogaamiyaha Daacish oo “la dilay”
August 22, 2015 - Written by admin
US ayaa muddo duqeyneysa xarumaha daacish ee Ciraaq

Ciraaq (Saxilnews)-Mareykanka ayaa waxa uu sheegayaa in la dilay ku xigeenka hogaamiyaha Daacish, kaas oo ku dhintay howlgal ka dhacay Ciraaq.

War-qoraal ah oo ka soo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in Fadhil Axmed Al-Xayali uu ku dhintay howlgal ay militariga Mareykanka ku qaadeen ciraaq.

Ciidamadan ayaa duqeeyay kolonyo gaadiid ah oo ku safrayay meel ku dhow waqooyiga magaalada Mosul.

Warsaxaafadeedkan ayaa lagu xusay in ninkaasi uu masuul ka ahaa hubka iyo walxaha qarxa ee la isaga gudbiyo Ciraaq iyo Suuriya.

Mareykanka waxa uu sheegayaa in geerida ninkaasi ay saameyn iyo dhaawac weyn ku tahay howlaha Daacish.

 

 

 

maxamed xasan

 

 

saxilnews005@gmail.com

COMMENTS
Latest News