Saxilnews.com
Kooxo Dablay Ah ayaa Habeenkii Xalay Ahaa Weerar Ugaystay Guriga Agaasimaha Arimaha Bulshada D/hoose Berbera ”
May 14, 2016 - Written by admin

Berbera (Saxilnews.com)-Kooxo Dablay Ah ayaa Habeenkii Xalay Ahaa Weerar Ugaystay Guriga Agaasimaha Arimaha Bulshada D/hoose Berbera ”

Qoraal Uu Boggiisa Facebook ku baahiyey Agaasimaha Arrimaha Bulshada Dawlada Hose Berbera Jimcale Cawke ayuu ku faahfaahiyey sidi wax u dhaceen iyo wixi sababay waxanu qoralkisa ku yidhi sidan:

Wixi Ilahay kuu qoray kuma seegayaan, wixiise aanu kuu qorin Kuma sudhmayaan:-

Xalay abaaro 1:30 habeenimo ayaa gurigaan deganahay waxa usoo daatay Rag, waxaanay Dab qabadsiiyeen Laba gaadhi oo yaalay daarada guriga kuwaas oo mid yahay kii Dawlada een ku shaqaynayay mid kalena uu lahaa wiil nala hurday.

Waxaan ku toosnay qiiqa, qaaca iyo ololka qabsaday guud ahaan guriga. waxanan degdeg u furnay albaabka se waaba rag sii yaacaya oo baabuur wata waanay dhaqaaqeen.

Ilahay baa mahad leh waxaanu ku guulaysanay in aanu damino Baabuurtii iyadoo ay soo gurmadeen jaarkii nagu dhawaa oo dhami.

Dhagartu isma qarisee isla xalayba waxa gacanta lagu dhigay Mid ka mid ah dadki falkaa gaystay waxaana uu gacanat ugu jiraa Ciidamada amaanka.

Maan ahayn mid is dhigtay sababtoo ah shalay ilaa xalay waxa isoo galayay fariimo xanbaarsan Hanjaabo ah in wax lay gaysan doono, iyadoo nalagu daba socdo Joojintii Hilibka Geela iyo Lo’da ee aanu ka joojinay si ku meel gaadh ah magaalada sababo caafimaad darteed.

Markaad camal qabanayso haduu shar yahay shaydanka ayaa wehel kuu noqda, haduuse camalkaasu yahay mid khayr ku jiro Ilaahay baa wehelkaaga noqda, tiibaana dhacday oo ilahay baa naga badbaadshay dhagartii naloo soo maleegay xalay.

Waxaan ku rajo waynahay in dhagarqabayashi hadhayna lasoo qaban doono iyadoo la marin doono wixi sharcigu dhigayo.

– See more at: http://afkashacabka.com/articles/16302/War-Deg-Deg-ah-Dablay-Weerar-kuq-aaday-Gurigii-Agaasimaha-Arrimaha-Bulshada-Degmada-Berbera-iyo-Baabuur-uuka-mida-Ahaa-Baabuurkiisuu-oo-Dab-la-Qabadsiiyey

COMMENTS
Latest News