Saxilnews.com
Khilaaf Huursan Oo Ka Dhex Qarxay Masuulyiinta Xisbiga Kulmiye , Muuse Biixi Iyo Maxamed Kaahin Oo Aan Wax Booqasho Ah Ugu Tegin Madaxweyne Ku Xigeenka
November 13, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (SaxilNews):- guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ahna Murashaxa madaxweyne ee xisbigaasi ayaa ka gaabsaday inuu booqdo madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ah murashaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga KULMIYE.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa dhaawac kazoo gaadhey misigta maalmo ka hor ,isaga oo muddo jiifay gurigiisa magaalada Hargeysa, waxaana goobtaasi ku booqday madaxweynaha Somaliland iyo guddoomiyaha xisbiga WADDANI .

Waxa kale oo isna booqday mudadaasi guddoomiye ku xigeenka kowaad ee xisbiga WADDANI ahna Guddoomiyaha garabka toosinta iyo cadaalada ee xisbigaasi WADDANI ,iyaga oo gebi ahaanba madaxweyne ku xigeenka caafimaad u rajeeyey.

Guddoomiye Muuse Biixi oo uu murashaxiisa madaxweyne ku xigeenka yahay Ayaan isagu ka ag wareegin mudadaasi ,iyada oo ay jireen khilaaf huursanaa oo ka dhexeeyey labadaasi masuul.

Khilaafkan ayaa wararku sheegayaan inuu kazoo bilaabmay waqtigii diwaangelintu ka socotay magaalada Borame iyo gobolka Awdal, iyada oo laysku khilaafay kulano lala yeelanaayey oday dhaqameedka iyo bulshada Awdal oo lagagala hadlaayey diwaangelinta iyo sidoo kalena taageero ay siiyaan xisbiga KULMIYE.

Laga soo bilaabo waqtigaasi ilaa waqtigan Ayaan wada shaqaynta madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ahayd mid sii daciifaysay oo aan wanaagsanayn, taas oo ay soo shaac saartay booqasho la’aantaasi.

Mana ahaa oo keliyaata guddoomiye Muuse Biixi ee waxa iyaguna aan ka ag wareegin guddoomiye ku xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed iyo Afhayeenka Xisbigaasi Xasan Gaafaadhi , kuwaas oo ah xubno aad ugu dhow dhow guddoomiye Muuse Biixi.

Ilaa hadda lama garanaayo sababta keentay booqasho la’aantaasi , marka laga yimaado khilaafkaasi yar ee u dhexeeya labadaasi masuul, iyada oo la odhan karo waxa jira khilaaf huursan oo u dhexeeya xisbigaasi KULMIYE masuuliyiintiisa ugu sareeya, kaas oo mar uun furka tuuri kara.

COMMENTS
Latest News