Saxilnews.com
JOHN KERRY OO LA KULMAY WASIIRADA ARRIMAHA DIBADDA BARIGA AFRIKA + (SAWIRO).
August 22, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

 

Nairobi (Saxilnews):-  Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka John Kerry ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay Wasiiradda Arrimaha Dibadda dalalka bariga Afrika.

jj1

Mr Kerry ayaa kala hadlay wasiiradan xaalada Koofurta Sudan iyo Soomaaliya, iyadoo kulankan ay ku sugnaayeen Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Koofurta Sudan.

John Kerry ayaa sheegay in loo baahan yahay in xasilooni loogu soo dabaalo dalka Koofurta Sudan oo dagaalo ahli ah ay ka qarxeen dhamaadkii sanadkii 2013.

jj2

Mr Kerry ayaa sidoo kale kala hadlay Wasiiradda Xaalada Soomaaliya, iyadoo dhowaan la isu diyaarinayo doorashooyinka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha.

Waxaa uu sheegay inay isha ku hayaan xaalada doorashooyinka Soomaaliya, ayna rajeynayaan in doorashooyinka ay ku dhacaan jawi wanaagsan.

jj3

John Kerry ayaa u duuli doona magaalada Jubba ee Koofurta Sudan, si uu madaxda dalkaas ugala hadlo sidii xasilooni iyo degenaansho siyaasadeed loo gaari lahaa.

COMMENTS
Latest News