Jarmalka iyo Austria oo soo dhaweeyay qaxootiga

0
11
Dadkan ayaa ayagoo kooxo ah ukala lugeynaaya dalalka Hungary iyo Austria, si ay Jarmalka ugu sii gudbaan

Jarmalka (Saxilnews)-Jarmalka iyo Austria waxa ay qaabileen kumannaan qof oo muhaajiriin ah oo ka tagay dalka Hungary kaddib markii maalmo ay halkaasi ku xayirnaayeen.

Kaddib markii dad iskood isu abaabulay ay xuduudda ku soo dhaweeyeen waxa ay toos u aadeen caasimadda Vienna iyo magaalada Munich ee koofurta Jarmalka.

Jarmalka ayaa si rasmi ah usoo dhaweeyay qaxootiga dalkaasi gaaray, waxaana xalay goob tareennada laga raaco oo ku taalla magaalada Munich soo dhaweyn ballaaran loogu sameeyay qaxooti halkaasi gaaray.

Habeen iyo maalinba way lugeynayaan, iyadoo dhulkaasi uu qabow ka jiro

Wasiirka arrimaha bulshada ee gobolka Bavaria ee Jarmalka, Emilia Mueller, oo warbaahinta kula hadashay magaalada Munich, ayaa sheegtay in xaaladda ay hadda tahay sidii ay rajeynayeen.

Boqolaal qaaxoti dheeraad ah ayaa maanta la filayaa in ay gaaraan Jarmalka.

Xukuumadda Berlin ayaa sheegtay in dabcinta ay ku sameysay sharciga muhaajiriinta ee u yaalla Midowga Yurub, ay gacan ka geystay ka hortaga xiisad bani’aadannimo oo ka dhacda soohdinta ay wadaagaan dalalka Hungary iyo Austria.

Qaar kamid ah ayaa xeryo iska sameysto marka ay daadaaln

Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayaa lagu wadaa in ay maanta kulan la yeelato xisbiyada ay dowlad wadaaga yihiin, si ay uga shiraan qorshaheedda ay uga jawaab celineyso arrinta qaxootiga.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Finland, Juha Sipila, ayaa BBC-da u sheegay in uu go’aansaday in gurigiisa gaarka ah uu kusoo dhaweeyo dad muhaajiriin ah.

Waxa uu sheegay inuu rajeynayo in shacabka dalkiisa ay arrintaa kaga dayan doonaan.

Jawaab celinta Yurub ee ku aaddan xiisadda ka dhalatay muhaajiriinta ayaan mideysneyn, walow in ka badan 350,000 oo muhaajiriin  ah ay sanadkan oo keliya gaareen gudaha Yurub.

 

 

 

 

 

maxamed xasan

 

saxilnews005@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here