Jamaal Cali Xuseen Oo Wasiirka Arrimaha Gudaha Ku Canaantey Muranka Tiyeetarka Hargeysa Oo Sababtiisa Loo Xidhay Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan

0
29
  •  Hargaysa (saxilnews.com) Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Jamaal Cali Xuseen, ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ku dhaliilay ka hadalka Arrimaha Soomaaliya, xilli uu jiro khilaaf cakiran oo u dhaxeeya dad shacab ah oo ka taagan Tiyaatarka Hargeysa.
    Jamaal Cali Xuseen oo daba-socda hadalka wasiirka iyo dhacdadii shalay ee Tiyaatarka Hargeysa, waxa

  • uu nasiib-darro ku tilmaamay in wasiirka Daakhiligu ka hadlo arrinta shirka wada-hadallada labada waddan iyaga oo dab ka qiiqayo gudaha caasimadda.

    Sidaana waxa uu ku faah-faahiyay qoraal uu ku baahiyay barta uu ku shabakadda xidhiidhka bulshada ee Facebook, waxaanu yidhi “Waxaan la yaabay wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland mudane Cali Maxamed Warancadde isagoo ixtiraam iga mudan in aan arko isagoo ka hadlaya shirka ka dhacaaya Turkiga ee wadahadaladda Somaliland iyo Somalia. Waxaan filaayey inuu Wasiir Warancadde ka hadlo arrinta Tiyaatarka Hargeysa ee cakiran ee qoryaha laysla hortaagan yahay ee gondahiisa ka dhacaysa maadaama uu yahay wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland. Shirka Turkiga weftina wuu inoo jooggaa; dadkii kale oo dhamina waa u jooggaan ka hadalkiisa, hadday tahay mucaarid iyo muxaafidba. Arrinta Tiyaatarka ka dhacaysaa nasiib daro waxay sababtay khasaare dhaawac leh; welina ay xaaladdii taagan tahay. Shaqaaqadan ka taagan Tiyaatarkii oo ku yaalla caasimaddii Somaliland ahna muraayadda laga dheehdo dalka. In maanta ay tan oo kale ka dhacdaa dalka miyaa la filaayey….”

    Intaska oo uu Jamaal Cali Xuseen ku eedeeyay Wasiirka arrimaha gudaha inaanu ka hadal dhibaatada ka taagan Tiyeetarka, haddana xukuumadda ayaa la sheegay inay tallaabo ka qaadey Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan oo ka mid ah Labada Suldaan ee ku doodaya mulkiyadda wajahadda hore ee Tiyeetarka Hargeysa, kaasi oo doraad ay ka dhaceen rabshado la isku adeegsaday rasaas.
    Warar uu Wargeyska Somalilandtoday helay xalay ayaa sheegaya in ciidamada booliska oo baadhitaan ku waday qadiyadda mulkiyadda wajahadda hore ee Tiyaatarka oo hore loo sheegay in la siiyey laba Suldaan oo ka soo jeeda beesha bariga Hargeysa, ayaa sheegay in la xidhay Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan, kaasi oo sida la wariyey lagu eedeeyay inuu door ku lahaa dad rayid ah oo doonayey inay hab qabyaaladeysan rabshado uga abuuraan dhismaha Tiyeetarka oo doraadna ay isku rasaaseeyeen booliska iyo dablay hubaysan oo ka socday beesha uu ka soo jeedo ganacsadaha maalgashaday Tiyeetarku.
    saxilnews.com//hargaysa//office
    hamza barkhad
    Hamzabarkhad21@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here