Berbera(Saxilnews)- Musharaxii hore ee xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa qaatay dhul dan-guud ah oo ku yaala magaalada Barbara.
Dhulkan danta guud ah ayaa ah meesha la yidhaahdo Taar-dheer oo ay lahayd wasaaradda boosta iyo isgaasiinta.
Waxaana u sahlay oo siiyay madaxtooyadda somaliland oo uu ka dalbaday in la siiyo mag-dhow qarasheed uu sheegay in ay kaga baxay wakhtigii uu ahaa musharaxa.
Dhinaca kale waxaa siyaasigan cabasho xoogan ka muujiyay ganacsato dhowr ah oo uu lacago dayn ah ka qaatay wakhtigaas kuwaas oo uu ka mid yahay Kayse bushaaro oo haantan meheradiisii daynta Jamaal cali xuseen ku maqan darteed ay u kacday
Daynta ayaa dhan 280,000 kun oo doolar halka uu Jamaal mar dambe ka bixiyay 80,000 kun.
Jamaal cali xuseen ayaa mudooyinkii dambe waxaa uu xooga saarayay in uu hantiyo dhulalka danta guud ah,
Geesta kale siyaasigan aya waxaa dhankooda ka soo horjeeda dhalinyaradii taageeri jirtay oo uu lacagahii uu ka qaatay xukumadda aanu waxba ka siin.
Dadwaynaha magaalada Barbara ayaa aad u hadal haya waxa keenay in uu Jamaal qaato dhulkaasi oo bulshadda loogu adeegi lahaa.
Xigasho:-Hangoolnews