Saxilnews.com
Jamaal Cali Xuseen Oo Ka Hadlay Wadahadalo Ay Fureen Hogaamiyayaasha Xisbiyada Qaranka Somaliland.
November 18, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

 

Hargeysa(Saxilnews)Jamaal Cali Xuseen ayaa si rasmi u shaaciyey in ay wadahadalo la fureen asxaabta siyaasada Somaliland ee Waddani iyo Kulmiye isaga iyo garabkii uu hormuudka u ahaa,

Sidaasi waxa uu Jamaal Cali Xuseen ku sheegay qoraal uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay Facebuuga,qoraalka ayaana u dhignaa sidan.

dhamaantiin Jimce Mubaarak. Marka hore salaan guud.Waxaan ku war gelinaynaa dhamaan taageerayaashii Xisbigga UCID ee garabkayaga ahaa (NEW UCID) ee jeclaana inuu xisbiggani guuleysto, in aanay jirin weli xisbi aanu ku biirnay.

 Waxaa jiray wada hadalo hordhac ah oo aanu la yeelanay hogaamiyayaasha labadda Xisbi ee Kulmiye iyo Waddani. Waxaanu inshallah dhowaan bilaabi doonaa in aanu magacowno guddi 5 qof ka kooban oo wadahadalo toos ah la geli doona labadda xisbiba.

Wadahadalaasi natiijadda ka soo baxda ayeeynu ku go’aan qaadan doonaa dhamaanteen. Wadatashi faro badan waynu ka geli doonaa sidii aynu cududeena u midayn lahayn. Iyaddoo taasi jirto haddana waxaynu mar walba mudnaanta siinaynaa midnimadda iyo wadajirka Somaliland.

 Ilaahay qarankan Somaliland haw gargaaro; xaqana haw hiiliyo. Kuligiina isku duubnaadda si aynu cududeena oo midaysan uga wada tashano aayaheena. Waxaanu taageerayaasha uga mahad naqaynaa hiilkii iyo hooddii aad nala garab taagneeydeen. Wa Bilaahi taqfiiq.

COMMENTS
Latest News