Saxilnews.com
ITOOBIYA:CABSIDA LAGA QABO MUDAHARAADYO KALE IYO MEELMARINTA XUKUNKA DEGDEGA AH OO IS BEEGSANAYA
February 18, 2018 - Written by editor

Adissababa(saxilnews.com)-Cabsi Xoogan ayaa laga Qabaa Caasimada Adissababa Mudaharaadyo,ka dhan ah Xukunka Degdega ah oo Shacbigu mar kale ka sameeyaan Magaalooyinka Waaweyn kuwaas,oo heegan adag loogu diyaariyay Ciidamada kala duwan ee dalka.

Iscasilaadii Raysal-Wasaaraha oo aheyd mid nooceedu ku cusub yahey,dalka Itoobiya,ayaa lahadalhayaa in ay qeyb ka aheyd Kaniisadu,kadib markii Qeysyada Waaweyn ee dalkaasi kula taliyeen, in xalku kujiro is casilaad,halka xubno katirsan Golihii Xukuumada uu iska casileyna, ay aaminsan yihiin in uu Haile Mariam Deselgn khalad galey,islamarkaana, aan loo baahneyn in uu ku dhawaaqo is casilaad,marba hadii lagu jiro Wakhti aad xasaasi u ah.

Sidoo kalena, dad aad u badan oo ku nool Gudaha Dalka Itoobiya,iyo dibadiisaba ayaa iyaguna aaminsan in dhawaaqa iscasilaada Raysal-Wasaaruhu ahaa mid lagu kalifey kadib markii laga diidey amaawiir fara badan oo, ku dalbadey in aan xal looga dhigin Xadhig iyo Xabad kacdoonka Shacbiga,Sidaa daraadeedna waxa jira dareeno badan oo iska hor imanaya tan intii ka dambeysay iscasilaada Raysal-Wasaaraha.

Safiirka Mareykanka u fadhiya Dalka Itoobiya,oo isaguna Shir Jara,id ku qabtey Adissababa ayaa sheegay in aan loo baahneyn Xukun degdeg ah,haseyeeshee, ay korka kala soconayaan sida xaalada dalku tahey.

 

COMMENTS
Latest News