Saxilnews.com
Is Bar-bar Yaaca Xisbiga KULMIYE Oo Banaanka U Soo Baxay Iyo Jagada Afhayeenka Xisbiga Oo Noqday Kursi Aan Kala Sooc Lahayn.
November 16, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

 

Hargeysa (Saxilnews):- is bar-bar yaaca xisbiga kulmiye oo galay xaalad habqan ah waxaana Mudooyinkiiu danbeeyey soo baxayey is bar bar yaac ka dhex jira xisbiga Muxaafadka ah ee Kulmiye

isaga oo aan kala sooc u lahayn masuuliyiinta warbaahinta hor imanaya iyo sidoo kale kala xadaynta hadalada is burinaya ee siyaabaha kala duwan uga soo baxaya xisbiga Kulmiye.

Inkasta oo xisbigu uu leeyahay Afhayeen guud hadana jagadan oo uu ku magacaaban yahay Xasan Gaafaadhi ayaa ah Kursi aan la kala lahayn oo cid kastaaba afkiisa ku hadasho isla markaana heerarka kala duwan ee masuuliyiinta xisbigu ay adeeg sadaan ku hadalka afka xisbiga Kulmiye.

Arintan ayaa saamayn ku yeelatay gudaha xisbiga waxaana maal-mihii u danbeeyey warbaahinta si is daba joog ah uga hadlayey masuuliyiinta xisbiga iyo xubno kale oo mid kastaaba ku hadlayey afka xisbiga taasi oo keentay in la dareemo is bar bar yaac iyo kala danbayn la’aan ka jirta gudaha xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye.

Xisbiga Kulmiye ayaa inta badan lagu yaqaanay nidaam iyo kala danbayn balse dhacdadan ayaa ku cusub saaxada iyo hogaaminta xisbiga talada haya Ee Kulmiye oo muddo badan soo jiray Mucaarad iyo Muxaafad-na soo arkay Xaalka afhayeenka Xisbiga Kulmiye ayaa noqdey halkaa maroo muuqaa lawaa .

Sahan

COMMENTS
Latest News