Hargeysa(Saxilnews):- Dawladda Ingiriiska, ayaa ka jawaabtay hadal uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, kaas oo ahaa in ka bixitaanka uu Ingiriisku ka baxay Midowga Yurub fududayn karo in Ingiriisku aqoonsto Somaliland.
Dr. Sacad oo u waramay wargeyska The Guardian ee dalka Ingiriiska, wuxuu sheegay in dawladda Ingiriiska ay dabar ku ahayd siyaasadii Midowga Yurub, balse hadda uu u yahay xor fikirkiisa.
“Waxa aan filayaa in ka bixistii Ingiriiyska ee Midowga Yurub ay dawladda Ingiriiska u fududaysay in ay dib isugu noqoto (Arrinta Somaliland)” Sidaa waxaa yidhi wasiirka arrimaha dibadda ee Ingiriiska, Dr. Sacad Cali Shire.oo intaas raaciyay, “Marka Midowga Yurub la yahay, dhamaan dalalka xubnaha ka ahi waa inay dabaqaan siyaasadda Midowga Yurub ee Somaliland. Ingiriisku aad ugumuu madaxbanaanayn inuu arrimihiisa dib u eego.”
Wuxuu kaloo wasiir Sacad yidhi “Inuu ka baxo Midowga Yurub, waxay macnaheedu tahay inay samayn karaan waxay doonayaan. Waxaan filayaa inay annaga noo wanaagsantahay.”
Hase yeeshee afhayeen u hadlay waaxda arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka ee Ingiriiska, ayaa wargeyska The Guardian u sheegay in arrinta Somaliland u taalo Somaliland iyo Somaliya iyo dalalka jaarka, “Waxay u taalaa Somaliland iyo Somaliya inay go’aan ka gaadhaan mustaqbalkooda iyo inay dalalka gobalku qaataan doorka aqoonsiga isbedel kasta.”
Source:- Geeska