Saxilnews.com
Imaaraadka Iyo Itoobiya Oo Ku Hirdamaya Cida Noqoneysa Madaxweynaha Cusub Ee Dalka Somaliya Iyo Xassan Sheekh Oo Galbta Degay Addis Ababa
November 30, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Moqdsho (SaxilNews):- Madaxweynaha dalka Somaliya Muddane Xassan SheekhMaxamuud ayaa waxaa uu maanta ka anba baxay magaalada Moqdisho ee caasimada dalkaasi .

Madaxweynaha ayaa waxaa uu safarkiisan ku tagi doona magaalada Addis Ababa ee dalkaEthiopia waxaana uu qaadan doona muddoo hal maalin ah .

 Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa in berri oo Khamiis ah uu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho, marka ay is arkaan isaga iyo Ra’iisul Wasaare Hailemariam.

Waxaana safarka madaxweynuhu uu ku soo beegamaya wakhti xaasaasi oo dalkaasi ka socoto doorashada xildhibaanada aqalka hoose .

Wararka ayaa sheegaya in dalka Itoobiya ayaa taageersan tahay Musharaxnimada Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo ka soo horjeeda qorshaha ay wadato Imaaraadka Carabta oo ah in meesha laga saaro Xasan Sheekh.

COMMENTS
Latest News