SILAANYO SABABTA LOOGU DIIDAY IN UU LA KULMO ODAYADA IYO WAX GARADKA REER BEREBERE WAXAY AHAYD

0
15

Hargaysa (Saxilnews.com)-Silaanyo na mudo laba sanadood ah in uu wax dhegysto mooyaane lama arag isagoo ay cid isku keliyeysteen oo mudo la sheekeysanaya

Waxa la wada ogyay safarkii madaxweynuhu ku tegay magaalada Berbera oo ahaa kii sideedaad intii uu xukunka hayay in aannu la kulmin dadka deegeenka degen. Xaqiiqda meesha ku jirtaa waxa weeye Silaanyo muu diideen in uu la kulmo xididkiisa ee waxaanu awoodi karin in uu cid sheeko dheer la galo.

Dhaqan Somaliyeed maaha nin baa diiday in uu xididkiisa la kulmo ee runtu waxa weeye Silaanyo looma ogola in dadku ogaadaan in aannu waxba xasuusan mudo sadex miridh ka badana hadlina karin.

Sidaa darteed ayaanay marnaba u suurta gelin inay reer Berbera madaxweynaha la kulmaan ee Marwadiisa ayaa shirar dhowr ah la gashay madaxda gobolka

iyadoo ka cadhaysan kacdoonka shicibku ka kacsan yay Dekeda la iibinayo.

Waxa isuguna Berbera ku sugnaa wiil boqorka Kuwait dhalay oo magaalada Shiek guri kule, isagana Amina Weris baa la kulantay oo Afka Ingiriisda ayaa lagu wada hadlay oo turjumaan carabida yaqaan uumay baahan. Hadaba reer Berbera oo marka horeba diidanaa iibka faraha badan ee magaalada ka socdo ayaa odayadii reer Berbera na Silaanyo la tusi waayay.

Sababta Silaanyo loogu diiday waay caday cid waliba na wey ogtay oo Silaanyo kama jawaabi kareen sua’alaha la weydiiyo oo waxa u sii digay uuna sii waramay Wasiirka qorsheynta Saacid oo la kulmay dhalin yarada reer Berbera oo ay ku hafiyeen sua’alo adag.

Silaanyo na mudo laba sanadood ah in uu wax dhegysto mooyaane lama arag isagoo ay cid isku keliyeysteen oo mudo la sheekeysanaya. Sida saxaafada loogo ilaaliyo inay Silaanyo wareystaan ayaa dadka caadiga ahna looga ilaaliyaa inay ku keliyeystaan oo wax weydiiyaan. Akhriste …. Soo sheeg goortii kuugu danabaysay eed maqasho ama daawato Silaanyo oo dad la doodaya isaga oo dhex fadhiya oo dhegeysanaya mooyaane. Hadaba labada madaxweynaha ee dalka xukumaa Waa wasiir Xirsi iyo Amina Weris oo hadaan laga codeyn oo aan weliba kursiga dhaqso looga dejin Somaliland waxay ku danaynaysaa ama Federal ama Bur-bur…

Abdi Mustafe

Abdi_Mustafe123@yahoo.com

*********************************************************************

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here