Saxilnews.com
DAWLADA HOOSE EE BERBERA AYAA MANTA SI TOOSA ULA WAREEGTAY ADEEG CAAFIMAAD OO HORE U HOOS TAGI JIRAY WASAARADA CAAFIMAADKA
February 18, 2015 - Written by admin

Hargaysa ( Saxil News.com)-Waxa maanta o ay Bishu tahay 18/02/2015 ay dawlada Hoose ee Degmeda Berbera si rasmi ah ula soo wareegtay Adeega Cafimaadka oo marki hore hoos tagi jiray wasaarada Cafimadka ka dib shir ka dhacay Qasriga Madaxtooyada Somaliland kaas oo goob joog ka ahaa MayerAbdi Shakur isla markaana uu soo saxeexay heshiiskaasi.
Adeegan cafimaad ayaa wuxu noqon doona mid hoos yimaada Xafiiska Waaxda Arimaha Bulshada Dawlada Hoose ee Berbera waxaan rajaynayaa in ilahay noo fudaydiyo oo aanu Bulshadu ay naga helaan Adeeg ay ku nastaan Insha Allah oo ay nagu majeertaan.

Jimcaale Cawke
Agaasimaha Arimaha Bulshada Ee Dawlada Hoose Berbera

COMMENTS
Latest News