Saxilnews.com
Hogaamiye Qaran‬? mise ‪Hagardaamo Qaran‬? Maalmihii badh baa hadhay !? Q.1aad
August 25, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Is-barbardhiga Murashixiinta Xisbiga Kulmiye Siilaanyo 2010 iyo Muuse Biixi 2017 ! Guusha Xisbi Qaran ku hanto libta loolanka doorashooyinka madaxtinimo waxay ku sargo’antahay oo bud-dhig u ah murashaxiinta isku sidkan ee u ordaaya majaraha amase hogaanka dalka. Wadar ahaan waxaynu isla waafaqsanahay in summadaha hogaamineed ee murashaxiintu jaan-gooyaan kasbashada tageerayaasha Xisbiga iyo waliba jiritaankiisa haddii Xisbigaasi noqdo Xisbul xaakimka talada dalka ka arrimiya doorashada ka dib. Markay sidaas tahay, waxa hubaal biyo kama dhibcaana ah in labada murashax ee u tartamaya jagooyinka Madaxweyne iyo Ku-xigeenkiisu ay yihiin qaar inta badan isku sidkan oo is-dhamaystira. si kale hadaynu u dhigno, murashaxiinta Xisbi u loolamaysaa waxay yihiin qaar is-kaaba oo midba midka kale buuxiya galdaloolooyinkiisa hogaamineed ee shakhsiga ah, Waxna ku tarikara Hogaaminta iyo Hiigsiga Qaranimo, gaar ahaan waxa inta badan diiradu saarantahay Murashaxa Madaxweyne oo isagu si qeexan ugu suntanaandoona hogaanka dalka. Hogaamiye Qaran !? Qofka ayaa lagu aaminaa mansabka hoggaaminnimo marka laga arko awood dheellitiran oo uu u leeyahay hanashadeeda. Hogaamiyuhu waa inuu buuxinkaro sifooyinka togan ee hogaamiyaha dhabta ah lagu majeerto, tusaale ahaan waa inuu yahay qof qaadi kara hammi baaxad leh oo lagu hanankaro horumarka iyo hagitaanka Qaranka iyo Umaddaba. Dhanka kale waxa looga baahanyahay inuu yahay hogaamiye jagada uu u loolamayo kartideeda, aqoonteeda, xamilkeeda iyo hiigsigeedaba leh , sidoo kalana dabooli-kara wacyiga siyaasiga ah ee jira iyo baahida hogaamineed ee dalkeena iyo dadkiisuba qabaan. Si mawduuci ah haddaynu ugu soo durugno nuxurka qormaddan, waxa aynu ku dul hakan-doonnaa murashaxiinta labada ah ee Xisbul Xaakimka Kulmiye hogaanka dalka ugu loollamay doorashadii 2010 kii iyo kuwa u loolamaya 2017 ka. Madaamoo labadan kaltan doorasho oo uu Murashax keliyaati ( Saylici) u taaganyahay jagada madaxweyne ku-xigeenka, waxaynu si gaar ah u tafniidi-doonaa Madaxweyne Siilaanyo oo 2010 Murashax u ahaa Xisbiga Kulmiye iyo Muj. Muuse Biixi oo 2017 u laacdami-doona Xisbiga Kulmiye. Minqiyaaska dhigaalkan ee aynu isku-barbardhigayno Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi, wuxu garabsan-doona amase gun-dhig u ah astaamaha gaarka ah ee looga baahanyahay amase lagu majeerto Hogaamiye Qaran inuu yeesho labadooda midka buuxiyay amase ah Hagardaamo Qaran oon la mahadindoonin. Waxaynu dib u milicsandoonaa waayo-aragnimada hogaamineed ee labadan Siyaasi iyo siday usoo maareeyeen arimo siyaasi ah oo meertada saaxadda siyaasadeed ku xusan. waxaynu sidoo kale eegi-doonaa kartida, aqoonta iyo waliba dhaliilaha ku suntan sooyaal-taariikheedkooda. Haddaba akhriste inta aanan idinla wadaagin faallada qormadda taxanaha ah ood Saxaafadda ka dhugan-doontaan, bal idinkuna aaraahdiina ka dhiibta is-barbar dhiga labadan siyaasi iyo Hogaamiyaha Qaran ee dalkani u baahnaa amase u baahanyahay kaltan doorashada 2017 oo inagu soo foolka leh. Qoddoban hoos ku xusan oo faalladu ku sargo’antahay bal aragtiyiihina kusii falanqeeya si aynu iskula jaanqaadno qormadda 2aad. • Summada Qeexan ee Hogaaminta oo ah, “ In Hogaamiyuhu Yahay Mid Shacabkiisa U abuurikara Hadaf Laga Wada Siman Yahay oo Ka Turjumaya Qiyam iyo Qaneecaad, Doonid iyo Rabitaan, Himilo iyo Hiiraal- ay Hoggaamiyaha iyo La- Hoggaamiyhuba Wadaagaan Si Loo Hanto Horumar Si Baahsan U Sameeya Guud ahaan Dalka iyo Nolosha Dadkiisaba.” • Astaamaha Hogaamiyaha Dhabta ah lagu Majeerto Tusaale ahaan Heerka Aqooneed iyo Nooca ay tahay Ma tahay Mid ku Haboon Hogaamiyaha Qarankani U baahanyahay. • Dulqaadka iyo Degenaanshaha ka Madhan Caadifada iyo Cadaawada ee Hogaamiyaha Looga Baahanyahay Inuu Dadkiisa isku Wado, Dalkiisana Ku Hogaaminkara Wadajir. • Dhaliilaha iyo Tabashooyinka Siyaasadeed Ee Labadan Hogaamiye Ma Yihiin Qaar uu Muuse Biixi Ka Gudbi-karo amase uu kasoo Gudbay Madaxweyne Siilaanyo. • Labadan SIyaasi Midkee Jawi Wadajir iyo Iskaashi Ummadeed ah oo Qarankan iyo Dadkiisuba Hore Ugu Soconkaraan Abuurikara amase Abuurayba Madaxtinimada Ka Hor Iyo Ka Diba. • Kooxda Ku Wareegsan amase Saaxiibada dhaw la ah Muuse Biixi Ee ay Ku Midaysanyihiin Afkaarta Siyaasiga ah iyo Gaadhitaanka Guushuba, Ma Yihiin Qaar Taageero Ku Biirinkara Murashaxa Amase Ku Badhitaarikara Hanashada Awooda Dalka? Bal Adba ! Adigiyo Aragtidaa. … La Soco Qormadda 2aad. Hassan Ismail Kooshin8@gmail.com

COMMENTS
Latest News