Saxilnews.com
Hiigso meel saraysa: – W/Q: Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)
February 12, 2015 - Written by admin

 

Hiigsigu waa mid ka mida riyooyinka uu qof leeyahay , dadka  ibnu aadanku waa ay kala duwan yihiin, waana ay kala hiigsi iyo himilo duwan yihiin, hiigsigu waa in aad yeelato  hami iyo riyo gaara oo aad noloshaada hiigsanaysid.

Hiigsigu waa is bedel nololeed kaas oo aad rabtid sida aad tahay inaad wax ka badasho haday tahay, diin ahaan, dhaqaale ahaan, aqoon ahaan,  nolol ahaan, dhaqan ahaan, qofkasta oo wax hiigsanaya wuxuu leeyahay  MODAL , qof uu ku dayanayo, inagu waxaynu nahay dad muslin ah waxa tusaale inoogu filan inaynu ku dayano NABIGEENII SCW  Maxamed SI aynu u helno wado saxa iyo camal wanaagsan.

Noloshu sideeba waa abuur , waa qaab alle inoo abuuray , waa mid aynu dhisayno una baahan inaynu ka dhisno dhinackasta , haday diin tahay, aqoon tahay, dhaqan tahay, qaab tahay, noloshu waa  guri la dhisayo taas  oo aad la kulmaysid dhib badan intaad dhisaysid , waa mar uu dumo , hadana aad ka soo kabatid, nolosha  qofkasta wer-werka  ugu badani wuxuu kaga yimaadaa SIDA LOO DHISO NOLOSHIISA/TEEDA iyagoo ku fikiraya sidee u noolaataa, xagee ka heshaa meel aad ku noolaatid, xagee ka heshaa meel aad ka shaqaysid, xagee ka heshaa meel aad ku raaxaysatid  iyo xagee noloshaada ka bilawdaa , dadka qaar waxay halgan ugu jiraan inay noloshooda mareeyaan ,halka qaar kale se ay noloshooda maareeyeen laakin hadana waxay rabaan inay sii laban laabaan oo meel sare sii gaadhaan, halka qaar aanay noloshooda kaba fikirinba cuna , caba ka dibna seexda, laakin aan lahayn jiho  ay socdaan iyo jiho ay ka socdaan taasina waa sababta DADKA  somalida  ah hoos u dhigtay wadamada khayrkood ahna hoos uga dhigtay.

Qofkasta oo dunidan ku nooli wuxuu rajaynayaa inuu nolosha heer ka gaadho isagoo ku dayanaya cid uu niyada ku hayo oo uu leeyahay waa qof aad ku dayan kartid ama qof uu jecel yahay shaqadiisa iyo horumarkiisaba.

Hadaad doonaysid inaad mustaqbalkaaga dhistid waa inaad taqaanid wadooyinka loo maro, iyo sida loo qaabeeyaba, waa inaad taqaanid halka laga bilaabayo iyo halka lagu dhamaynayo tusaale ahaan ,

Marka aad cunto karinaysid waad taqaan   nooca aad karinaysid sida  uu Noqon doono maxa yeelay  intaanad bilaabad waad garanaysaa waxaad samaynaysid, waad garanaysaa waxaad ku daraysid, waxaad  dalbanaysid iyo wakhtiga cuntadaba , noloshana  hadaanad sidaa u qiyaasin waxaad noqonaysaa qof riyo gaaban kunool oo waxa loo baahan yahay inaad taqaanid waxkasta oo qabanaysid  waxa ka soo bixi kara iyo halka loo mari karo intaba.

Qofkkastaa wuxuu helaa oo uu kasbadaa wixii uu shaqaysto , wuxuu cunaa oo uu cabaa wixii uu iibsado ama uu samaysto, qofkastaa wuxuu  cunaa wuxuu goostaa wuxuu beerto. Dadku isku shaqo maaha . isku wax qabad maaha isku aqoon maaha, sida loo kala shaqo badan yahay ama loo kala aqoon badan yahay ayaa loo gaadhaa  hiigsigaaga iyo hadafkaaga.

Hadaba hadaad noloshaada doonaysid inaad heer ama guul ka gaadhid waa inaad qaadaa wadada saxda ah ee ALLE swc inoo jeexay, waa in aynu ku dayanaa nabigeenii maxamed  N,N,K,H.

Noloshu waa ay dhib badan tahay, waxaana la nastaa oo la raaxaystaa marka la rafaado oo la dhibaatoodo, waxa la helaa nolol wanaagsan oo farxad leh ,marka aad  wadooyin badan iyo carqabado badan ka soo gudubtid, waxa la  helaa hiigsigaaga marka aad la timaadid samir iyo hawl karnimo.

Dunidan aynu ku nool nahay cidna ma gaadho guul iyadoon dhibaatoon , cidna ma hesho  wixii ay jecel yihiin iyagoon wadada saxdaa qaadin.

Hadab waxaan hadalkayga ama maqaalkayga ku soo koobayaa aynu noqono dad  leh  hiigsi iyo himilo fog, aynu noqono, dad leh  riyo wanaagsan oo khayr  ku jiro, aynu noqono dad taageera dadka leh hiigsiga iyo himilada caawiyana iyaga.

Dhalinyarada dalkana waxaan leeyahay noqda kuwo hiigsanaya inay helaan Aqoon, shaqo wanaagsan, camal wanaagsan, dhaqan wanaagsan, iyo waxkasta oo khayr ku jiro idinkoo ka soo hor jeedsanaya inaad noqotaan kuwo hiigsanaya inay tahriibaan, qaad cunaan, dhaqanka badalaan, taasi waxay ina tusaysaa inaynu noqon doono bulsho mustaqbal wanaagsan leh.

 

Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

Email: farxaanmxd@gmail.com

TELL: 252263–4400319

Berbera

Face book: Rakad mxd sultan

Skype: Farxaan.mxd

Social activist

Post number: 135

 

COMMENTS
Latest News