Saxilnews.com
Hiba Maxamed (Hibo Nuura) oo joojisay muusigga
February 9, 2015 - Written by admin

Saxilnews.com 8 Febraayo 2015 Markii ugu danbaysay ee la cusbooneysiiyay 19:55 SGA 16:55 GMT

Hiba Maxamed (Hiba Nuura) waxay fanka billowday sanadkii 1976

Fanaannadda Caanka ee Soomaaliyeed Hiba Maxamed ayaa sheegtay in ay go’aansatay in wejiga Alle dartii ay uga harto muusigga.

Hibo oo u warramay Laanta Af-Soomaaliga ee BBC waxay sheegtay in muddo ay ku soo tallamaysay sidii ay ku joojin lahayd muusigga oo ay sheegtay in aanay ahayn wax wanaagsan sida culimadu ay sheegtay.

Hibo Maxamed oo muddo konton sano ku dhaw ku jirtay fanka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay weli diyaar u tahay suugaanta waddanka iyo dhiiri gelinta balse aanay muusig danbe ku qaadi doonin hees.

Fanaannaddu waxay sheegtay in aanay dhiirrineyn heesaheeda in la saaro ama la qaado, laakiin waxay sheegtay in wixii suugaan ah ee wax u taraya dalka iyo diinta ay sii wadi doonto.

Go’aankan ay Hiba Nuura qaadatay waxaa ka warreystay Farxaan Maxamed Jimcaale

COMMENTS
Latest News