Saxilnews.com
Heshiiskii Taariikhiga Ahaa Ee Berbera Coridor Iyo Saxeexii Mareeyihii Xaqa Ahaa Ee Dekeda Berbera Eng: Cali Xoor Xoor Oo Siwan Looga Hadal Hayo Berera .
February 6, 2017 - Written by admin

Berbera (Saxilnews.com)-Heshiiskii Taariikhiga Ahaa Ee Berbera Coridor Iyo Saxeexii Mareeyihii Xaqa Ahaa Ee Dekeda Berbera Eng: Cali Xoor Xoor Oo Siwan Looga Hadal Hayo Berera .

Bulshada Ku dhaqan Magaalo xeebeda Berbera ayaa maamihii ugu danbeeyey si wayn u hadal hayey xaguu ku danbeeyey Heshiishkii Caalmiga aha Ee Berbera Koor-idhoor ee uu saxeexay mareeyihii hore ee Dekeda Bebera Eng: Cali Cumar Maxamed (Xoor Xoor ) Kaasi oo lagaga hadlayey samaynta wadada isku xidha Berbera Ilaa Caasimada Xarunta U Ah Itoobiya Ee Adisababa waxaa sidoo kale kujiray isticmaalka dekeda Berbera ee wadanka Itoobiya madaama uu dalwaynaha itoobiya yahay wadan aan Dekeda ahayn (Land Locked) waxaa sidoo kale kujirtay heshiiskaasi samaynta barxad lagu nasiyo badeecadaha itoobiya oo ay dhagax dhigeen gudi isku dhafan oo kasocotay ioobiya iyo somalailand kadib soo gabogabeeyeen wajigii sadexaad ee shirarkii lagaga hadlay isk dhexgalka labada wadan ee dhinaca ganacsiga iyo nabadgalayada kaasi oo ka dhacay magaaada Berbera batmihii sanadkii aynu soo dhaafnay 2016ka waxaa sidoo kale shirkaasi layskula qaatay isticmaalka Dekeda Berbera kaasi oo ka bilaabmayey sanadkan 2017ka

Waxaa sidoo kale soo cusboonatay hadal haynta mashruucaasi oo ahmiyad wayn ulaaha Dekeda iyo Somaliland

Heshiiskani ayaa kamid ahaa heshiishyadii uu bilaabmay kuna hamiyi jiray inay maruun hirgalaan mareeyihii aragtida dheere ee Dekeda Berbera Eng: Xoor Xoor oo kamid ahaa mareeyayaashii ugu horeeyey ka qayb qaatay horumarinta Dekeda Iyo Kusimida inay dekeda Berbera ay dhigeeda la jaan qaado kana mid noqoto dekedaha mandaqda Ugu Wanaagsan habka u adeegida ganacsatada iyo sidoo kale hufnaanta badeecadaha soo maraya ee ku socda wadamada Jaarka Sida Itoobiya Sudaan Somaliya Kilinka Shanaad Ee Somalida Itoobiya dhamaan dalalkaasi waxay kamid ahaayeen kuwo ay si wayn usoo jiidatay Dekeda Berbera kuna dhiiraday inay si joogto ah u isticmaalan Dekeda mudooyinkii Udanbeeyey waxayna kamid ahayd siyaasadihii Mareeyihii Hore Ee Dekeda Berbera uu ku kasbaday wadaada ay dekedu xidhiidhka la leedahay

Waxaa sidoo kale jirtay siyaasado la xidhiidhay ka warhaynta dekedaha Geeska iyo sida ay ushaqeeyaan xidhiidhada kala duwan ee la leeyihiin caalamka waxayna ka mid ahaayeen kuwo kabiir ku ahaa maamulkii hore ee dekeda Berbera

Bulshada magaalada berbera ayaa naawilayey sanadadkii ugu danbeeyey gaboabada mashruucii Berbera Kooridhoor oo kamid ahaa mashaariicda ugu muhiimsanaa ay dekeda berbera soo waay sanadadii ugu danbeeyey isla markana wakhtigani gabogabo ku dhawaa kaasi oo loo xaadhay goobihii ay dejilahayeen madaxda kasocoota itoobiya ee Xarunta laga siiyey Agagaarka Dekeda Berbera laga dhisayey Itoobiy Terminal Yard taasina ay sahli lahayd u adeegida shacabka kala duwan ee aan dekeda haysane Itoobiya oo wakhtigan dekeda Berbera ka isticmaala 15% wax ka yar badeecadaha kasoo dega dekeda Berbera

Mareeye Xoor Xoor ayaa ahaa masuulka kaliya ee mudadii ujoogay dekeda Berbera noqday mareeyihii ugu horeeyey hirgaliya dekeda cusub oo  leeg dekeda wakhtigan la isticmaalo taasi oo ugu talogalay badeecadaha itoobiya ee dekeda Berbera waxayna kamid ahaayeen siyaasadaha koobaad ee lagu kasbaday dalwaynaha itoobiya ee ku xidhnaa dekeda berera waxana dhici karta inay hoos udhaca ku yimaadan isticmaalka dekeda berbera ee itoobiya sababo la xidhiidha dhinaca maamuka dekeda Berbera

Hadal haynta heshiiskani oo ku badnaa bulshada magaalada Berbera ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay dekeda Berbera isku diyaarinayso maalgelinta Shirkada Caalmiga ah ee Dp World kaasi oo laga yaabo inuu meesha ka baxo heshiishkaasi taariikhiga ahaa ee Berbera Corridor oo kamid ahaa heshiishyada la saadalinayey inay sanadkani saxeexa lagu duugo Somaliland iyo itoobiya ilaa hadana lama saadalin karo halka uu cago dhigan doono heshiishkii hore ee udhexeeyey Somaliland iyo itoobiya

 

Muuse Aadan

adan12@hotmal.com

COMMENTS
Latest News